Iskushaandhayn la filayo in uu Madaxweyne Silaanyo Sameeyo, Talow yay Galaafanaysaa Doorkan?

0
1647

Isku shaandheynta mudooyinkan la hadal hayey in madaxweyne Silaanyo ku sameyn doono golihiisa wasiirada ayaa hada u muuqda in ay mareyso meel gabo gabo ah .

Warar soo baxay oo aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in seefta madaxweyne Silaanyo culayskeedu markan ku dhici doono wasiirada ka soo jeeda gobalka Awdal oo qaarkood xilalka laga qaadi doono halka xubno cusbna lagu soo bedeli doono

Sida ay xogahani sheegayaan waxaa la filayaa inuu golaha wasiirada ku soo biiri doono siyaasiga ka soo wareegay xisbiga Waddani Md Axmed Muumin Seed oo dhawaan ku biray xisbiga Kulmiye , waxaana uu bedeli doona laba wasiir midkood kuwaas oo kala ah wasiirka waxbarshada iyo tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahim Habane , iyo wasiirul dawlaha arimaha dibada Maxamed Mixile Boqore .

Sidoo kale wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Md Maxamuud Cabdilaahi Cige ayaa isna laga yabaa in ay xilka qaadistu saameyso , waxaana la sheegayaa inuu bedeli doono masuul khabiir ku ah arimaha waxbarashada oo hada Hargeysa ku sugan , lamana garan karo in wasaarada boosaha loo magacaabi doono iyo in wasaarad kale loo magacaabi doono .

Waxaa kale oo uu madaxweyne Siilanyo doorkan xil ka qaadis iyo isku bedel ku sameyn doono qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee xukuumadiisa , waxaana soo gali doona wajiyo cusub .

Sidoo kale badhasaabada gobalada qaarkood ayaa iyagana lagu sameyn doonaa isku bedel iyo xil ka qaadis , waxaana laga yaaba in xubin ka mid ah badhisaada dlaku ku biirto golaha wasiirada .

Xogahan oo uu geeska Africa isku dayey in uu wax ka weydiiyo afhayeenka Madaxtooyada ayaaney u suurto Galin.

Xigasho: Geeska