Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Cadeeyey in ayna Awood u lahayn in ay Sixir Bararka Bartiisi Ku Celiyaan.

0
1131

“Ilaa saacaddan wasaaraduhu kharashaadkii ka bixi jirey shidaalkii mooyaane waa la wada xidhay, haddana Dollarkii ismuu taagin, halkaasna waxa ka muuqata inay jirto awood midda xukuumadda ka weyni oo sicir-bararka ahi….” Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka Oo Shaaciyey Inuu Shirkadaha TELESOM iyo DAHABSHIIL Ka Codsaday Inay Xukuumadda Wax Kala Qabtaan Soo Noolaynta Shilinka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaadday inaanay wax awood ah u lahayn wax Ka qabashada xaaladda sicir-barar ee dalku jiro iyo qiime dhaca ku yimi shilinkii Somaliland oo taariikhdii halkiisii ugu hoosaysay gaadhay tan iyo intii Somaliland ay qaran-nimadeeda dib ula soo noqotay.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md. Cumar Shucayb Maxamed oo shalay mar uu golaha Baarlamaanka hor yimi saxaafadda arrintan kala hadlay, ayaa tilmaamay inay guuldarro ku dhammaadeen tallaaboooyin ay xukuumad ahaan qaadeen si qiimaha dollarka hoos loogu dhigo, islamarkaana ay soo baxday in dhibka jiraa ka taf dheer yahay awoodda xukuumadda jirta waqtigan.

Wasiir Cumar Shucayb oo qiraya in wax ka-qabashada xaaladda sicir-bararku ay ka xoog badan tahay xukuumadda, ayaa waxa uu yidhi, “Ilaa saacaddan wasaaraduhu kharashaadkii ka bixi jirey shidaalkii mooyaane waa la wada xidhay, haddana Dollarkii ismuu taagin, halkaasna waxa ka muuqata inay jirto awood midda xukuumadda ka weyni oo sicir-bararka ahi.”

Wasiirku waxa uu sheegay sheegay inay shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ku lugta leh ugu qayshadeen inay xaaladda sicir-bararka wax kala qabtaan xukuumadda, basle aanu isku daygaan weli midho dhalin, “Ganacsatada waaweyn ee Dahabshiil iyo Telesom kamidka yihiin inay suuqa dollar kusii daayaan oo ilayn meel baynu wada saaranahaye ay hoos u dhigaan waanu ka wada soconaa, waxyaabihii aanu ku yaraynayna waanu ku gudo jirnaa,” ayuu wasiir Cumar Shucayb.

Wasiir Cumar Shucayb waxa uu si cad u sheegay inay xukuumaddu u baahan tahay kab gooni ah, maadaama sida uu sheegay ay kala badan yihiin baahideeda iyo waxyaabaha soo gelayaa,(Demand and Supply), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dawladda waxa soo gelaya iyo wax aka baxayaa way kala badan yihiin oo iskuma miisaan,a waxana aynu u baahanahay kabniinyo.”

Waa markii ugu horraysay ee ay xukuumaddu si cad umadda ugu sheegto inaanay awood u lahayn wax ka qabashada sicir-bararka xadhkaha goostay ee nolosha shacabka naafeeyey, waxana su’aasha taagani tahay sida ay xaaladdaas wax uga qaban karaan shirkado ganacsi oo faa’iido doon ah, isla markaana dhibaatada nololeed ee taagan wax badan laga saarayo.

Xigasho: Hubaal