Gudoomiye Muuse Biixi oo soo Dhaweeyey Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta

0
1426

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Madaxwey-ku-xigeenka iyo hay’adaha kale ee distooriga ah ee Wakiillada iyo Guurtida lafteedu ka mid tahay.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta, ayaa sheegay inay Golaha Guurtidu guteen waajib distoori ah oo saarnaa, isla markaana ay xisbi ahaan arrintaas u hoggaansanyihiin, “Golaha Guurtidu waa golihii distooriga ahaa ee go’aanka lahaa, markaa wixii ay soo saaraan waa loo hoggaansamayaa, waayo iyaga ayaa distoorku xaq u siiyey inay go’aankaas gaadhaan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay aragti ahaan sida ay ula muuqato inaanay Golaha Guurtidu u hoggaansamin waqtigii saddexda xisbi qaran, Komishanka iyo xukuumadddu isla qaateen, waxaannu yidhi, “Wixii saddexda xisbi, Komishanka iyo xukuumaddu keeneen soo jeedin bay ahayd, go’aankana Guurtidaa leh, markaa soo jeedintayadii way garab mareen, annaguna go’aankoodaanu raacaynaa ileyn iyagaa distoorka awoodda siiyaye, waxayaguna waa soo jeedin, laakiin iyaga ayaa gacan-taagga iyo sharciyadda leh, waana u hoggaansanahay ama sidii aannu rabnay ha ahaato ama si kale ha ahaatee.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in muddada loo kordhiyey xukuumadda ay tahay waqti lagu diyaargaroobi karo oo wixii qabyo jirta lagu dhammaystiri karo, “Iminka waqti badan baa la kordhiyey, waqtigaana waa lagu diyaar garoobi karaa, muddo badan oo horena waa la kordhiyey, anigana waxay ila tahay kalsoonidu waxay saaran tahay oo doorashadu inay dhici karto iyo in kale laga arki karaa Guddida Doorashooyinka, iyagaa xilka leh Komishanka Doorashooyinku, taas hore ee dib-u-dhigguna iyaga ayey masuuliyadooda ahayd inay waqtigii hore ku qabtaan, maanta inay doorasho dhacdo iyo in aanay dhicin waxay ku xidhan tahay kolba sida ay u shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranku,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.