Guurtidda Somaliland oo Muddo Kordhin u Sameysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo Deegaanka

0
1001
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kordhiyey muddo-xileedka Madaxweynaha iyo golaha wakiillada ee wakhtigoodu dhammaaday.

Fadhigan maanta oo ka dhacay hoolka shirarka ee Golaha guurtidda Somaliland ayaa muddo laba bilood ah ku diray wakhtigii ay ku heshiyeen Xisbiyada qaranka iyo Xukumadda Somaliland ee ku mudaysnaa 10/10/2017, halka doorashada aqalka wakiilladana ay u cayimeen inay wadanka ka qabsoonto 10/10/2018-ka.

74 Xildhibaan ayaa ogolaaday in doorshadda Madaxtooyadda Somaliland la qabto 13.12.2017 hal xildhibaan ayaa ka amusay guddoomiyhuna muu codayn waxaana sidaas ku dhaqan galay in Xukumadda Madaxweyne Silaanyo loo kordhiyey muddo sagaal bilood ah oo ku eg 13 bisha 12 ee sanadkan .
Golaha wakiillada ayaa loo kordhiyeen muddo laba sano waxaana doorashada golaha Wakiillada la qabanayaa 28.4.2019

Xukumadda , Guddida doorashooyinka qaranku . Xisbiyada iyo Komishanka ayaa hore iskugu waafaqay in doorashada madaxtooyaddu ay dalka ka dhacdo 10/10/2017, halka doorashada aqalka wakiilladana ay u cayimeen inay wadanka ka qabsoonto 10/10/2018-ka.