Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay Ka Feejigantahay Xaasaasiyada Ay Leedahay Siyaasadda Biyaha Niilku

0
954

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay ka digtoonyihiin xaasaasiyada siyaasadeed ee ay leedahay siyaasadda Niilka ee ka dhaxaysa Itoobiya iyo Masar.

Wasiir Sacad, oo uu waraysi la yeeshay wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu sheegay in socdaal uu ku tagay dalka Masar uu ahaa mid lagaga wada hadlay danaha Somaliland iyo Masar ee ganacsiga iyo waxbarashada, balse aanu ku tacaluuqin siyaasadda biyaha Niilka.

Wargeyska ayaa ugu horayn Wasiir Sacad Cali Shire, weydiiyay inuu sharaxo ujeedada safar uu ku tagay dalka Masar, waxaanu wasiirku yidhi “Sannadkii tagay, waxaan booqday 13 Wadan oo Aasiya, Yurub Afrika iyo bariga dhexe isugu jiray, Masarna ka mid ayay ahayd, waxaana Masar naga jooga arday badan. Taariikh ahaan waxaanu Masar u dirnaa da’ yartayada si ay ugu soo bartaan waxbarashada sare. Intaas marka lagu daro, waxaanu leenahay xidhiidh ganacsi oo adag. Weftigayagu waxay Masar u tageen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga waxbarasho iyo ganacsi.”

Wasiir Sacad oo la weydiiyay inay wax midho ahi ka soo baxeen safarkaas wuxuu yidhi “Weftiga waxa lagu qaabilay hab maamuus sare intii aanu Masar joognay. Waxaanu la kulanay masuuliyiinta wasaaradaha tacliinta, caafimaadka, ganacsiga iyo arrimaha dibadda masuliyiin kale oo dawladda Masar ka tirsan.”

Wargeyska ayaa Wasiirka weydiiyay su’aal u dhignayd ‘Niilku, wuxuu leeyahay ahmiyad gaar ah, marka laga hadlayo xidhiidhka Itoobiya iyo Masar. Sidaas daraadeed, wada shaqayntiina masuuliyiinta Masaaridu, wax xidhiidh ah mala leeyahay Niilka.’, Wasiir Sacad ayaa wuxuu su’aashan kaga jawaabay “Aad baanu uga war qabnaa xaasaasiyada siyaasadda Nile-ka. Ujeedada ugu weyn ee safarku wax xidhiidh ah lama lahayn ammaanka biyaha iyo Nile-ka. Waxa diiradda la saaray tacliinta, horumarka iyo ganacsiga.”