Muse Biixi Waa Laga Hayaa Natiijadii Safarka Ethiopia ee Halkay ku Dambeysay Tii Cirro ee Kenya

0
978

Labada xisbi siyaasadeed ee Somaliland ee kala ah KULMIYE iyo WADDANI oo socdaallo la xidhiidha gudmadka abaarta daran ee ka taagan Somaliland u kala tagay dalal ka mid ah kuwa jaarka, ayaa natiijadoodu kala cadaatay hada.

Wefti ka koobnaa masuuliyiin badan oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha xisbigaasi oo ah musharaxa Madaxweynihiisa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya badhtamihii bishii December ee sanadkii hore 2016, waxay sheegeen in ujeedada u wayn ee ay u tageen halkaasi ahayd sidii ay fariin qaylo-dhaanta gurmadka abaarta u gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka, isla markaana ay heleen balanqaad lacago malaayiin doolar ah.

Xubno ka tirsanaa weftiga xisbiga WADDANI ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi shaaciyey in kulamo ay la yeesheen safiirada dalalka reer galbeedku ku leeyahay halkaasi iyo hay’adaha mucaawanooyinka bixiya ku guulaysteen in lacago malaayiin doolar ah oo ahayd ilaa toban milyan ay ugu deeqeen gurmadka abaarta Somaliland.

Axmed Safiina oo ka mid ahaa xubnihii weftiga ayaa 16-kii bishii December ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Facebook, sidan “NATIIJADA KULAMADII WADANI.

7,000,000 £ todaba Milton pounds UK

5,000,000 & Shan Malayan doolar. GERMANY

Mar dhaway waxaa soo gaba gaboobay shir ay iskugu yimaadeen dhamaan safaaradihii aanu lakulanay USA, UK, FRANC, GERMANY, DENMARK, UNITED NATION, EUROPE iyo IGAD waxa loo qabtay shirkan abaaraha SOMALILAND.

Lacagta kor ku Xusan ayay ku deeqeen U.K. Iyo GERMANY dhamaan dawaladaha kalena balan qaad ayay soo wadaan.”

Mr. Cabdirisaaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo markii ay dib ugu soo laabteen weftigu Hargeysa uga warbixinayey saxaafadda, ayaa ku dooday in dhamaan kulamadii ay la yeesheen beesha caalamku ku soo dhamaadeen guul, “Weftigu siddii aad hore ba u ogeydeen waxa ay la kulmeen illaa todoba safaaraddood, waxa kale oo ay la kulmeen ururo caalami ah oo urur goballeedka IGAD uu ka mid yahay, dhammaantood na kulamaddii aanu la qaadanay waxa ay ahaayeen kulamo midho dhal ah oo aanu is leenahay qaranka wax badan bay u tari doonaan,” ayuu yidhi.

Haseyeeshee, lacagtaasi malaayiinka doolar ah iyo balanqaadka xisbiga WADDANI shaaciyey inuu gurmadka abaarta Somaliland uga soo helay dalka Kenya ayaan ilaa hadda la ahayn iyadoo waqtigii socdaalka ay ka soo wareegtay muddo ku dhaw saddex bilood oo welina abaartii sii socoto. Mana jirto cid dambe oo xisbiga WADDANI iyo dalalka deeqbixiyayaasha ay sheegeen inay balanqaadka sameeyeen oo arrintaasi ka hadlay.

Dhinaca kale, wefti uu horkacayey Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo isna ah musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo safar shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya horaantii bishan February ee sanadkan 2017, ayaa sheegay inay kala hadleen madaxdii ay la kulmeen oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaaradaha Itoobiya inay gacan ka gaystaan gurmadka abaarta ka jirta Somaliland.

Wax ka yar muddo toddobaad ah socdaalka weftiga KULMIYE, ayaa la arkay mucaawano dawladda Itoobiya ugu talogalay inay kaga qaybqaadato gurmadka abaarta Somaliland, waxaannay soo gaadhsiisay dawladda Somaliland deeq raashin loogu talogelay dadka abaarhu dhibaateeyeen ee gobollada kala duwan ee maamulka, iyadoo deeqda ay ka timid dhanka dowladda Itoobiya.

Raashinkan oo ka koobnaa illaa 72 kun oo tan oo iskuu jira, cuntooyin nafaqeysan, qamadi, bur, bariis, iyo buskud, lagu soo raray gaadiidka xamuulka ayaa lagu wareejiyay masuuliyiin iyo guddiga abaaraha heer maamul ee Somaliland.

Raashinkan oo lagula kala wareegay magaalada magaalada Tog-wajaale ayaa waxaa dowladda Itoobiya uga wakiil ahaa wakiilka dhanka ganacsiga ee xafiiska Itoobiya ee Somaliland Mr.Ageze Amelo.

Haddaba, arintan ayaa fadeexad ku ah xisbiga WADDANI oo u muuqda inuu been iyo wixii uu doonaba u sheegayo shacabka reer Somaliland si uu uga helo uun cod xiliga doorashooyinka.