Golaha Guurtida oo Mudeeyey Maalinta Ay Samaynayaan Muddo Kordhinta Xukuumadda iyo Golayaasha

0
1237
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.

Golaha Guurtida Somaliland oo loo gudbiyey nuxurka mudo kordhinta Xukumada Madaxwayne Siilaanyo oo dhawaan ay komishanka XukumadaXisbiyada qaranku ay isla qaateen in mudo loo kordhiyo Xukumada Madaxwayne Siilaanyo.

Golaha Guurtida Somaliland ayaana Fadhigoodii maanta ku balamay in maalinta sabtida ee afarta Bisha March ee Todobaadka soo socda ansixiyaan mudo kordhinta loo samaynaayo Xukumada Siilaanyo inkasta oo aan wali la ogayn xiliga rasmiga ah ee ay kordhin doonaa iyada oo ay hore Xisbiyada iyo Komishanku iskula qaateen in mudo 7 bilood ah la kordhiyo inta ay shacabka Somaliland helayaan Roobabka Gu’ga maadaama ay jiraan abaaro xoogan oo dalka ka jira.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa shalay ilaa xalay waxa wararku tibaaxayaan in uu gudoomiyaha Golaha Guurtida ku gaaf wareegayay gurigiisa halka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani masuuliyiin u hadlay ay ugu baaqeen Golahaasi in aanay hal maalin ku darin mudadii ay isla garteen Xisbiyada qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku.