Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland oo Kulamo la Yeeshay Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamanka UK

0
922

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan baarlamanka UK.
Wasiir Sacad oo warbaahinta kula hadlay magaalada London shalay, ayaa sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha lagaga wadahadlay kulamo uu la yeeshay xildhibaannada baarlamanka Ingiriiska ka mid ah iyo urur lagu magacaabo European Atlantic Group.

”Waa markii labaad ee aannu sannadkan gudihiisa safar ku tagno guriga baarlamaanka Ingiriiska, waxaanuna kula kulannay urur la yidhaa European Atlantic Group. Waxa kaloo kulanka nagala qaybqaatay xubno ka tirsan aqalka baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska iyo qaybo ka mid ah shacabka waddankaas oo taageerayaal u ah Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
Waxa uu intaas sii raaciyey, “Sidoo kale, maanta (shalay) waxaannu iyagana shir kula qaadannay aqalka baarlamaanka Ingiriiska gudihiisa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo iyagu taageera Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubno mudnaantooda leh oo shacabka reer UK ah. Labada shirba waxaannu ku kala qaadannay warbixino muhiim ah oo aannu dhankayaga ku siinnay xaaladda guud ee uu wadankeennu marayo ee dhinacyada horumarka, dhinaca dhaqaalaha, abaaraha waddankeenna maanta haysta, siyaasadda, doorashooyinka iyo guud ahaan marxaladda dalka Somaliland marayo, run ahaantiina si wanaagsan ayey noogu dhacday.”

”Xubnaha aannu maanta (shalay) la kulannay waxay u badnaayeen baarlamaanka waddanka boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ka soo kala jeeda gobollada ay gaar ahaan deggan yihiin dadka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland iyagana laga soo doorto. Waxa xubnahaas ka mid ah ninka xoghayaha guud u ah ururka European Atlantic Group, sida xaqiiqda ahna waxa kulamadaasi noogu qabsoomeen si wanaagsan, iyagoo warbixinihii aannu u gudbinayna si aad ah u soo dhaweeyey, mar walbana muhiimaddayada koowaad ee kulamadu waxay ahaayeen kuwa ku salaysan dardargelinta qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland, taas oo ay iyaguna dhankooda mar walba kuwa door siiya mudan in la xuso,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.