Wasiirka Duulista oo la Kulmay Wefti ka Socda Hay’adda ICAO iyo Shirkad Talyaani ah

0
998

Wasiirka wasaaradda duulista, hawada iyo gaadiidka cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawad ee  “ICAO”  oo ay weheliyaan khubaro ka socota Company Talyaani oo la yidhaahdo SELEX oo ku guulaystay qandaraas lagu dhisaayo Taawarada Madaarrada Hargaysa Iyo Berbera.

Wasiirka Duulista Farxaan Aadan oo kulankaasi kadib faahfaahin ka bixiyey waxa ay ka wada hadleen Waftiga ayaa waxa uu yidhi “Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO iyo Shirkad Talyaani ah oo la yidhaahdo SIDES, waxaanay shirkada Talyaanigu ku guulaysatay Barnaamij la rabo in lagu dhiso Taawarada iyo qalabka lagu hago hawada sare oo dhamaystiran oo laga samaynayo Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Berbera waxa loo dhisayaa Tower cusub, markaa shirkadaasi Talyaaniga ahi waxa ay u socdaan oo u yimaadeen inay qiimeeyaan meelaha laga dhisayo iyo sidoo kale qalabka looga baahan yahay madaarada Hargeysa iyo Berbera”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dedaal badan iyo juhdi aanu galinay iyo xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelanay Xarunta ICAO, waxaanu ka wada hadalnay inay eegaan oo odorosaan baahida ka jirta madaarka Hargeysa, xaga qalabka iyo agabka wax lagu hago waanay wadaan hawshii, waana koox ballaadhan”.