Hablo Suxufiyiin ah oo Sheegay in Ciidanka Saldhiga Maxamed Mooge Nabarro Gaadhsiiyeen

0
1408

Saddexda  Saxafi ee kala ah Ikraan Siciid Diiriye , Warda-sagal Axmed Rooble iyo Samsam Cabdilaahi Cismaan, ayaa sheegay in ay garaaceen isla markaana ay  aflagaado u gaysteen ciidanka booliska ee saldhiga Maxamed Mooge  ee magaalada Hargeysa.

Wariye Ikraan Siciid Diiriye oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijisay in ciidanka saldhiga Maxamed Mooge, ay nabaro gaadhsiiyeen Wariye Samsam Cabdilaahi Cismaan oo ka tirsan warbaahinta madax banaan ee ka hawl gasha Somnews.

Ikraan Siciid Diiriye ayaa wargeyska Dawan ugu warantay sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay ciidanka saldhiga Maxamed Mooge ugu xad-gudbeen iyada oo arrintaa ka hadlaysay waxay tidhi “Salaadii casar ee maanta (shalay), marka ay ahayd ayaanu tagnay saldhiga Maxamed Mooge, annaga oo soo booqanay  wariye Warda-sagal walaalkeed oo halkaa ku xidhan, waxa aan marnay nidaamka booqasho ee saldhigyadda , waxa ay baadheen cuntadii iyo sharaabkii aanu sidaynay, waxa ay naga qaadeen telefanadii gacanta.  markii aanu intaa wada marnay ayaa la noo fasaxay in aanu u tagno Maxbuuska. balse intii aanaan gaadhin ayaa waxaa naga hor yimid nin askari ah waxaanu na waydiiyey halkaa u soco. annaguna waan ugu jawaabnay waxa uu qaaday bacdii aanu cunta sharaabka ku sidnay ka dibna waxa uu daadiyey sharaabkii iyo cuntadii aanu sidanay markii aanu waydinay sababta uu u daadiyey waxa uu noogu  jawaabay  afgalaado dabadeedna gacan ayaanu noo qaaday isaga iyo askartii kale marka laga reebo askarigii kedinka fadhiyey.”

Wariye Ikraan Siciid oo aan wax ka waydinay in ay jiraan wax nabarro muuqdo ah  oo soo gaadhay, waxay tidhi  “Samsam ayey  gaadhsiiyeen dhaawac muuqda oo gacanta ah sida oo kale garaacistii ay nagu  wadeen waxa uu nabar ka soo gaadhay kelida. annaga waxay ay noo gaysteen jug hoose oo jidhka oo dhan ayaa na damqanayaa.”

Dhinaca kale, waxaanu dhacdadan wax ka weydiinay Taliyaha Saldhiga Maxamed Mooge  Mr: Maxamed Faarax Muuse .

Taliye maxamed ayaa iska fogeeyey eedaha ay usoo jeediyeen hablaha saxafiyiinta ah waxaana uu sheegay in aanay jirin wax jidh dil iyo aflagaado ah oo ay kula kaceen saddexda hablood  ee suxufiyiinta ah.

“Ma jiro wax jidh dil  iyo aflagaado ah oo aanu u gaysanayn hablaahaas iyaga caddeyn doona nabarrada iyo jidh dilka ay sheegayaan in ciidanka saldhigu ku dhuftay. waxay siteen sharaabka  daasadaha ah oo saldhigyada mamnuuc ka ah markii lagu yidhi sharaabka bac ku soo shubta ayey diideen markii la yidhi ha la idinka reebo ayey buuq sameeyeen,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Markaa masjidka oo saldhiga ku dhex yaal ayaan ka soo baxay oo kabaha ayaan ku xidhnaayey  laba talaabo ayey isku jiraan qolka ay wax ka dhaceen  iyo masaajidka waxa ay kab la dhaceeyeen askarigii baadhayey alaabta ay sideen.”