Danjire Berhe Tesfay oo Sheegay Inaanay Dawladiisa Ethiopia Khusaynin Saldhiga Millatari ee Laga Samaynayo Berbera

0
1099

Brig Gen Amb. Berhe Tesfay, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland leedahay go’aanka bixinta saldhiga Milateri, balse ahayn mid khuseeya Itoobiya, isla markaana yihiin cadowga Somaliland & Itoobiya, dadka faafiyey in safaaradooda Hargeysa la xidhay, wararkaasina waxba ka jirin xafiiskooduna furnaan doono weligii.

Amb. Berhe oo weriye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan warg DAWAN, wax ka weydiiyey warar lagu sheegay in safaarada Itoobiya la xidhay, ka dib ansixintii heshiis loogu ogolaanayo saldhiga Imaaraadka ku yeesho Somaliland ayuu ku jawaabay,

“Wararkaasi waxba kama jiraan, waana kuwa cadowga Itoobiya iyo Somaliland faafiyaan. Xafiiska Itoobiya wuu furnaan doonaa weligii.Amb. Berhe Tesfay oo la weydiiyey mowqifka xukuumadiisa ee saldhiga Imaaraadku ku yeelanayo Somaliland ayaa yidhi,

“Arrinkaa go’aankeeda waxa leh xukuumada Somaliland, mana khuseeyo Itoobiya. Muhiimada isticmaalka dekeda Berbera ee Itoobiya waa inaan amaan ku helo, taasina waa waajib saaran xukuumada Somaliland.

Hadalka Amb. Berhe Tesfay ayaa meesha ka saaraya hadalo laysla dhexmarayey oo xisbiyada mucaaradka qaarkood ku sheegeen in xukuumada Itoobiya ka soo horjeedo saldhiga milateri ee xukuumadu Somaliland u ogolaatay wadanka Imaaraadka Carabta.