Buuhoodle: Xildhibaanno soo Dhaweeyay Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo

0
1484

Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame (Jiciir) iyo xildhibaan Axmed Xandule Muuse oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka Buuhoodle ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii guusha ku soo dhammaaday ee xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee ka dhacay dalka Jabuuti.

Xildhibaanadu waxa kale oo ay taageero u muujiyeen guulaha horumarineed ee isdaba jooga ah ee xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ka gaadhay dhinaca maalgashiga, sida dhismaha iyo casriyaynta dekeda iyo Saldhiga Milateri ee magaalada Berbera.

Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame (Jiciir), oo ugu horrayn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa wada hadaladii ku soo dhammaaday guusha ee  ay xukuumadda Somaliland la furtay kooxda Khaatume ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee fadhigeedu yahay magaalada Buuhoodle, shirkaasi oo ka dhacay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti. Anaga oo ku hadlayna afrka shacabka reer Buuhoodle, waxaanu taageersanahay shirkaasi iyo qodobadii ka soo baxay.”

Mudane Cismaan (Jiciir) waxa kale oo uu intaasi ku daray “Haddaanu nahay xildhibaanada golaha deegaanka Buuhoodle, annaga oo ku hadlayna shacabka aanu xildhibaanada u nahay, waxaanu soo dhawaynaynaa shirkaasi ku soo dhamaaday dalka Jabuuti, shirkaasi oo laga gaadhay midho dal fiican, waana mid guul u ah guud ahaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaana shacbiga ku dhaqan deegaanka Buuhoodle. cid kasta oo soo xil iska saartayna waanu uga mahad naqaynaa, hadaanu nahay bulshada reer Buuhoodle.”

Xildhbaanku waxa kale oo bogaadiyay guulaha is-daba jooga ah ee xukuumadda Somaliland ka gaadhay dhinaca horumarka iyo maal-gashiga dalka, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu hambalyaynaynaa guulaha is daba jooga ah ee xukuumdda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ka gaadhay dhinaca horumarka iyo maalgashiga dalka, sida Saldhiga milatari ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyay madaarka Berbera, dib u dhiska iyo casriyaynta dekeda Berbera iyo qodista iyo sahaminta shidaalka dalka ku jira.”

Mudane Jiciir waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxa kale oo aan hambalyaynayaa labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada oo ansixiyay heshiiska maalgashi ee saldhiga Milatare ee dawladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera, kuwaasi oo heshiiskaasi ka gutay waajibaadkoodi dastuuriga ahaa.

Waxa kale oo aan u mahad celinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta guushaasi qaran sidii ay u noqon lahayd mid midho dhasha, gaar ahaan waxaan ugu mahad naqayaa wasiirrada Madaxtooyayada iyo Arrimaha dibada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Sacad Cali Shire, oo dedaal dheeraad ah geliyay hirgelinta iyo ka midho dhalinta arrintaasi.”