Qaar ka mid ah Dhalinyarada Xaafadaha Goljano iyo Boqol iyo Kontonka ee magaalada Hargeysa oo ka tirsanaa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa taageeradii xisbigaasi ay u hayeen iyo xafiisyadii ay ku lahaayeen xaafadahaasi ula guuray xisbul xaakimka Kulmiye, iyagoo calankii xisbiga Waddani ee xafiisyadooda ku xardhana u badalay Astaanka Calanka Kulmiye.

Dhalinyaradan Xaafadaha Boqol iyo Kontonka, iyo Goljano oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ujeedada ay uga baxeen xisbiga Waddani ku sababeeyey oo sheegay in xisbigaasi aanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka qabsoonta oo uu tartankeeda ka qaybgalo, isla markaana gudoomiyaha xisbigaasi Waddani Mr Cabdiraxmaan Ciro uu lumiyey doorkii Mucaaridnimo ee looga baahnaa isaga iyo Xisbigisiisa Waddani.

Ugu Horayn Guuleed Ciise oo ka mid ah dhalinyarada kalsoonidii ay u hayeen xisbiga Waddani kala noqday oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Mudahaaradan la sheegayo ee lagu baaqayo waxa ka haboon oo aan leeyahay waar Mudaharaad maahe, wixii jira iyadoo la tilmaamayo oo Nabadgalyada la ilaalinayo saani saani ha loo sheego oo ha la yidhaahdo waa ‘waxaa iyo waxaa’.”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Xaaji Cali oo ah Gudoomiyaha 26-ka June waxaanu sheegay in dhalinyaro ahaan ay isku raaceen inay gacan guud siiyaan xisbiga Kulmiye, isla markaana xafiiskii xisbiga Waddani ay iyagu u sameeyeen ee ay ku raageeri jireen ay u badalanaa xafiis kulmiye ah oo ay rinjiga ka badalaan, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada 26juun Dhalinyarada xaafada Boqol iyo Kontonka dhamaantood waxaa ay isku raaceen inay dhamaantod guul siyaan xisbiga Kulmiye oo xafiiski waddani Riinjiiga ka badalno oo uu badalno xisbi Kulmiye ah oo Degmada ka Tirsaan.”

Geesta kale dhalinyaradani waxa ay ka shanqadhiyeen in Somaliland ay u baahan tahay xisbi aragti dheer taana ay ka waayeen xisbiga Waddani, waxaanay “Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo Ifbaxayaay sidii xisbiga Waddani uu u wiiqi lahaa qarranimaada Somaliland ee mudaada soo socotay, waxaanu xisbiga Waddani kasoo horjeestay heshiisyada calaamiga ee ay Somaliland ka galayso dawladaha calaamka, imika dawlada Imaraadka ayaa saldhig dalkeena ka samaysnaysa oo waxbaaynu dhaafsanaynaa, laakiin maaha intuu xisbiga Waddani cararo oo dacaayad faafiiyo oo uu yidhaahdo mudahaarad ayaanu ku baaqayaa.” Sidaasi waxa yidhi Guuleed Ciise Dheero oo ka tirsan Dhalinyaradaasi ka digo rogatay xisbiga Waddani.

Cabdimaajid Abiib oo ka tirsan dhalinyaradaasi ayaa isna waxa uu yidhi “Gudoomiye Cirro waa nin muxaafid ah, sidaas daradeed markaanu arki weynaay inaanay Cadaaladi ka jiriin xisbiga waddani waxaanu go’aansanay anaga oo miyirkayga iyo maankayaga qabna inaanu iskaga soo digo-rogano Xisbiga Waddani, dhalinyarada waxaan leeyahay Waddani waxbaa inooma yalaan Maanta.

Waxaanu isla Garanaay oo isku raacnay inaanu Xisbiga Kulmiye maanta Garab Tagnaano wanaanu ka dhex aragnay inuu yahay Xisbiga Keliya ee na gaadhsiin karaa meelaha aanu Hiigsanayno.

Dhinaca kale Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Hargeysa in aanay dheg-jalaq-u-siin dhawaaqyada ka soo yeedhaya xisbiga Waddani ee uu ku baaqayo in Caasimada laga sameeyo Mudaharaado.