Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo garabkii Toosinta & Caddaaladda ee xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminayey Axmed Muumin Seed, ayaa ku heshiiyey inay si rasmi ah u midoobaan.

Shir jaraa’id oo guddiyadii wadahadalka u matalayey xisbiga iyo garabka Toosinta ku qabteen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta oo uu goob-joog ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa shaaciyey heshiiska ay wada gaadheen xisbiga iyo garabkii Toosinta WADDANI, waxaannu yidhi

“Waxaannu idinku wargelinaynaa inay dhammaadeen wadahadalladii u socday xisbiga KULMIYE iyo dhammaan garabkii Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI, lana gaadhay go’aamadeedii oo la soo gabogabeeyey heshiiska, iyadoo lagu soo bandhigi doono xafladda oo la qaban doono toddobaadka soo socda. Waxaannu ku wargelinaynaa guud ahaanba Garabkii Toosinta iyo taageerayaashooda iyo xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisaba inay la socdaan in xafladdaa la qaban doono toddobaadka soo socda.”

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Toosinta iyo Caddaaladda xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), ayaa sheegtay in wadahadalkii ay lahaayeen xisbiga KULMIYE uu ugu dhammaaday guul iyo hab farxad leh,

“Waxaan u sheegayaa taageerayaashada kala jooga dal iyo dibadba in toddobaadka innagu soo socda ay dhici doonto xafladdii waynayd ee midowga garabka Toosinta iyo xisbal-xaakimka KULMIYE ee ay gacmaha isku qabsanayeen, sidaasi darteedna inay u diyaargaroobaan,” ayey tidhi Marwo Hinda Gaani.