Wefti Culus oo ka Socda Xukuumadda Somaliland oo Tegay Addis-ababa

0
990

Wefti ka kooban shan Wasiir iyo safiirka Somaliland u jooga dalka Imaaraadka carabta oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya.

Weftigan oo iskugu jira qaar Hargeysa ka ambabaxay iyo kuwo Jabuuti ku sugan oo halkaas ka tagaya Addis-ababa waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland Mr. Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa la sheegay in booqashadoodu qaadan doonto saddex maalmood, isla markaana kulamo la yeelan doonaan madax kala duwan oo ka tirsan xukuumada Itoobiya.

Safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye oo socdaalka weftigan ku baahiyey bartiisa facebook, ayaa sheegay in booqashada weftigan heerkiisu sareeyo ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland sii horumarin doonto xidhiidhka sokeeye ee u dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah, isla markaana sii ballaadhin doonaan iskaashigooda heer gobol iyo heer caalami.

Socdaalka weftigan oo daba-socda socdaal wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tageen dalka Itoobiya, isla markaana kulamo kula yeesheen Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Hailemaraim Desalegn iyo madax kala duwan ayaa la saadaalinayaa inay guul ku soo dhammaado ajandayaasha labada dhinac ka wada hadli doonaan, sidoo kalena la filayaa inay bulshada u soo bandhigi doonaan natiijooyinka ka soo baxa.
Sidoo kalena, qoraal xalay ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa lagu sheegay in ujeeddada socdaalka weftigaasi la xidhiidho martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Itoobiya iyo xisbal-xaakimka haya talada dalkaasi ee EPRDF.
Somaliland.Org/Hargeysa