Qaybinta Darajada Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Sannadkan Oo Indhaha Lagu Hayo

0
5106

Waxa si weyn loo wada sugayaa in la qaybiyo darajada dalacsiinta ah ee 4393 askari ciidanka qaran Somaliland ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo balan qaaday 2 February oo ahayd maalintii la aasaasay ciidanka qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay inuu ciidankan darajooyin dalacsiin ah siiyay ka dib markii uu arkay warbixinta guddi saraakiil ah oo uu taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani u magacaabay qiimaynta darajada ciidanka qaranka, “Aniga oo ka duulaya Xeerka Derajada Ciidammada Qaranka, iyo soo jeedinta Guddigii Saraakiisha, ee Taliyuhu u magacaabay qiimaynta derajada Ciidanka Qaranka, waxaan maanta idinku bushaaraynaya, in aan dallacsiiyey Ciidanka Qaranka, gaar ahaan, Saddex-Xidgle iyo wixii ka hooseeya, dhamman min hal derajo. Xeerka cusub ee derajada ciidammada loo sameeyey, wuxuu qeexaya in saddexdii sannadooba, hal mar la dallacsiiyo saraakiisha leh derajooyinka (Xiddig, Laba Xiddigood iyo Saddex Xiddigood). Tirada guud ee Ciidanka Qaranka maanta aan dallacsiinaya waxay dhan tahay 4393.” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu darajooyin dalacaad ah siiyay tiro yar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka, kuwaasoo dallacaadan ku mutaystay hawlkarnimo, ay ka muujiyeen, hawlgalladii nabadaynta iyo dhex-dhexaadinta, rabashadihii ka dhacay Ceel-afweyn, Sin-carro, Dhumay iyo Daba-taag.

Haddaba, darajooyinkan oo aan weli la qaybin, ayaa waxa la wada eegayaa qaabka loo qaybin doono, waxaana la isweydiinayaa ma waxa darajooyinka loo qaybin doonaa qaabka ay soo jeediyeen taliyaha ciidanka qaranka iyo guddiga saraakiisha ahi oo ah qaab xogogaal u ah ciidanka dhexdiisa islamarkaana cadaaladda u dhow, mise waxa lagu qaybin doonaa qaab kale oo dhex roor ah oo ka yimaada gacmo kale oo ka baxsan ciidanka qaranka, kuwaas oo haddii ay dhacdo tafaraaruq iyo kala shaki dhex dhigi kara ciidamada qaranka.

Si kastaba ha ahaate, waxa la arki doonaa qaabka loo qaybiyo darajooyinkaas dhawrka kun ah iyo inay noqdaan kuwa lagu saleeyay warbixinaha ciidanka qaranka dhexdiisa iyo in lagu saleeyo gacmo kale oo siyaasadeed,