KULMIYE Oo Madal Ilyartu Is-qabatay Ugu Fooladeeyey Midowga Dhexmaray Garabkii New UCID

0
1168

Xisbal-xaakimka Somaliland, ayaa madal ilyartu is-qabatay ku qaabilay garabkii NEW UCID ee uu hoggaaminayey murrashaxii jagada Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE maanta.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay hoolka wayn ee huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare KULMIYE oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, murrashaxii hore ee jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, maayarrada iyo xildhibaannada qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo ka soo jeeday garabkii NEW UCID, Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee hore ee xisbiga UCID Muj. Cali Guray, marwada kowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Marwadii kowaad ee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, madaxdhaqameed iyo boqolaal qof oo isugu jira haween iyo dhallinyaro ka mid ahaa taageerayaashii xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen, iyadoo halkaasina lagu kala saxeexday heshiis mideeyey labada dhinac.

Ugu horreyn, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay xafladda, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska dhexmaray xisbiga KULMIYE iyo garabkii New UCID oo ka kooban qodobo ay isla meeldhigeen laba guddi oo wadahadal yeeshay, kaas oo salka ku haya mabaadi’da guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisanyahay iyo kuwa xisbiga KULMIYE gaarka u ah.

Murrashaxii hore ee madaxweynaha ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo isagu hoggaaminayey garabkan sida rasmiga ah ula midoobay xisbiga KULMIYE oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa shaaciyey in ujeeddadiisu ahayd sidii uu dalku guul u gaadhi lahaa, balse aanay macno weyn u lahayn inuu gaadho hankii uu lahaa ee ahaa inuu dalka hoggaamiyo, waxaannu yidhi, “Siyaasaddu kolba dhinac bay isku rogtaa, annaguna ka masuugi mayno xisbiga KULMIYE haddii uu talada dalka qabto oo marka dambena uu Muuse Biixi Cabdi ku fadhiisto kursiga, annagana xilligayaga uun bay iman doontaa, dalka waxa aannu u doonaynaa maaha inaannu xukunka qabsano ama uu shakhsi ka taliyee inuu dalka Somaliland hagaago ayaanu doonaynaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu farriin u diray taageerayaashiisa, waxaannu ugu baaqay inay xilligan u midoobaan sidii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisu guul u gaadhi lahaayeen, “Dadkii i taageerayey waxaan u sheegayaa inaanan tanaasuline qaranka nin u shaqaynaya ayaan ahay qofka bani’aadamka ahina maaha inuu madax noqdo ee Ilaahay baa xagga samada ka qora, aniguna haddii Ilaahay ii qaddaro waan tegi doonaa, haddii kalena nin qaranka u shaqaynaya ayaan ahay oo wax allaale wax dhibaato ah oo aniga isoo gaadhay ma jiraan, qofkii aad u aragto inay danta qaranku ku jirto taageer, maantana KULMIYE, ayeynu cududeena isugu gaynayaa oo ninkaa mujaahidka ah ee Muuse Biixi Cabdi ayeynu ku tun-tuunsanaynaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo isagu hore xisbiga UCID u ahaa guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad, ayaa sheegay in garabkii Jamaal Cali Xuseen ahaayeen laf-dhabarta xisbigoodii, isla markaana iyagoo isku dhan ay si midaysan ugu biireen xisbiga KULMIYE, waxana uu yidhi, “New UCID waxa uu galay halka Jamaal Galay, wax New UCID la yidhaahdo oo meel kale galayna ma jirto, qolada leh shakhsi buu ku galayna waxan leeyahay miyeydaan ka xishoonayn inaan tidhaahdaan garabkii Jamaal Cali Xuseen baanu nahay, astaanta New UCID-na waa Jamaal Cali Xuseen ee aniga maaha.”

Maayarrada magaalooyinka Berbera iyo Gabiley – Md. Cabdishakuur Maxamed Ciddin iyo Md. Maxamed-ammiin Cumar Cabdi iyo xildhibaanno kale oo dhammaantood ka mid ahaa mudanayaashii golayaasha degaanka uga soo baxay xisbiga UCID markii uu Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayey, ayaa shaaciyey inay ku qanceen ku biiritaanka xisbiga KULMIYE, iyaga oo caddeeyey inay cuddooda iyo caqligoodaba la garab-geli doonaan sidii uu xisbigaasi mustaqbalka mar kale talada dalka ugu soo noqon lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu soo xidhay xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga la midoobay, kuwaas oo uu ku biiritaankooda ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah, isaga oo kala mid dhigay dhacdooyin muhiim ah oo dalka maanta ka dhacay, “Waxaannu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa garabka UCID ee uu hoggaaminayo murrashaxii hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo aqoon gudo iyo dibadba innagu soo xoojiyey, waxaannu leenahay kal iyo laab ugu soo dhawaada KULMIYE, waxaannan caddaynayaa inay saacaddaa dhammaantood si rasmi ah uga mid yihiin xisbiga KULMIYE, maanta waxa magaalada Hargeysa ka jira saddex dhacdo oo taariikhda geli doono, waa marka koowaad ee midi waa tan aynu ku dabbaaldegayno ee garabkii iyo xooggii garabka New UCID uu ku soo biiray xisbiga KULMIYE, waana dhacdo taariikhda gelaysa oo xusuus dadka ku reebaysa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu halkaasi farriin soo dhawayn ah u diray Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo dib ugu soo laabtay dalka, kana soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa.