Dugsiyada Gaarka ah ee Hargeysa oo Diiday Go’aankii Dawladda ee Qiime u Yeelida Lacagta Dalka.

0
866

7 Dugsi oo dhegaha ka furaystay go’aankii xukuumadda iyo jawaabta wasaaradda waxbarashadu ka bixisay.

Maxaa loo dabo-geli waayay dhaqangelinta digreetadii madaxweynaha?

Dugsiyadda waxbarashada gaarka loo leeyahay ee caasimadda Hargeysa oo iskugu jira dugsiyo Hoose/dhexe iyo sare, ayaa diiday in fuliyaan go’aankii xukuumadda ee  24-kii  January ee la soo dhaafay  uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ee dhigayay in lacagta kaliya ee wax lagu kala iibsadaa ay noqoto lacagta shilinka Somaliland.

Suxufiyiin ka tirsan wargeyska Dawan, oo  shalay  booqday illaa 7 dugsi oo kuwa gaarka ah, ayaa soo xaqiijiyay in dugsiyadaasi ay daabulka uga sheegeen ardaydooda in ay kharashka waxbarashada ee bisha (Fee)-ga ay ku keenaan doolar. Waxa kale oo ay ku war-geliyeen in ardaygii ku bixinaya  lacagta dalkuna uu soo qaato 9000 oo SL Sh ah. Taasi oo ah mid sharci darro ah oo ka hor imanaysa go’aankii dawladdu ku go’aamisay in gacanta dambe ee halka doolar lagu kala iibsado 7000 Sl SH.

Dugsiyada gaarka ahi waxa kaloo   ay jabiyeen wareegto uu soo saaray Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare, Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo  uu  dugsiyada gaarka ah ku  faray inay u hoggaansamaan qaraarka xukuumadda oo ay ardayda lacagta waxbarashada kaga qaataan lacagta dalka, iyagoo raacaya qiimihii  sarifka ee loo cayimay.

Mid ka mid ah waalidka caruurtoodu wax ka bartaan dugsiyadan dhegaha ka furaystay  dhaqan-gelinta go’aamadii dawladda dhexe, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in qaraarkii xukuumadda ay mijo-xaabiyaan shakhsiyaad tacliinta ka ganacsada. “Shan iyo labaatan doolar ayay ka qaadaan arday kasta oo dhigta dugsiga sare. Markii inankaygii aan u dhiibay lacag kaash ah oo aanu ugu qiimeeyay 7000 SL Sh halkii doolar-ba. Waxa lagu yidhi ardaygii ‘waxaad kharashka bisha ku bixin kartaan noodhka lacagta doolarka iyo ZAAD. Haddii aad kaash sidatana waxaad noogu soo qiimeysaa 9000 Sl SH.’, taasina waxay lafjab ku tahay dawladnimada haddii laga yeelo,”ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan oo sheegay in dugsiyada gaarka ahi ay ka siman yihiin inay fashiliyaan go’aamadii ka soo baxay dawladda oo aanay jirin cid ku dabo-gashay.

Mid ka mid ah macalimiinta dugsiyadaas ka hawlgala oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo,  ayaa sheegay in kharashaadka dugsigoodu galo, ay ku bixiyaan doolar, waxaanu go’aankii xukuumadda ku sifeeyay  mid aan la jaan-qaadi karin wax uu ugu yeedhay wadciga ka jira dalka.

Waxa ilo looga qaateen ahi wargeyska  Dawan, u sheegeen in dugsiyada gaarka ahi ay shir doceedyo ka yeesheen maalmihii la soo dhaafay  go’aanka xukuumadda, waxaanay  isku waafaqeen inuu culaysyo dhaqaale iyo khasaare ka soo gaadhayo haddii ay fuliyaan go’aanka dawladda.

Geesta kale, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo xalay aanu wax ka weydiinay sababta ay wax uga qaban waayeen  dugsiyada fulin waayay go’aankii xukuumadda ee  lagu suulinayo sicir-bararka isla markaana  kor loogu qaadayo qiimaha  lacagta dalka, waxaanu  ku dooday  inaanay ogayn illaa imika dugsi diiday inuu fuliyo go’aankii xukuumadda iyo amarkii Wasiirka Waxbarashada.

“Illaa imika ma ogin dugsi diiday inuu raaco oo fuliyo qaraarkii dawladda iyo amarkii Wasiirka Waxbarashadu soo saareen. Markii Go’aankii madaxweynuhu soo baxay, waxa Wasiirka waxbarashadda Cabdilaahi Ibraahim Habbane, uu soo saaray amar cad oo qoraal ah, warbaahintana laga sii daayay  oo uu dugsiyada gaarka loo leeyahay ku faray inay dabaqaan oo fuliyaan siyaasadda dawladda iyo go’aankii madaxweyahaba. Sidaas darteed ma jiro cid sharciga ka sareysaa. wasaarad ahaan waanu dabo-galaynaa ciddii ay ku caddaato inay fulin wayday amarkii madaxweynaha iyo Wasiirkaba waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah,”ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu.