“Waanu la yaabahanay ragga siyaasiyiinta ah ee ku eedaynaya Cali Khaliif nabad buu wadaa” Gudoomiye muuse Biixi

“Soomaaliya ragga xukuma ee Tartamayaa waa isugu kaayamid, waayo mid waliba waxa uu ku dhaarsan yahay inaannu Somaliland u oggolayn qaranimo”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay socdaalkii hoggaamiyaha kooxda Khaatumo ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo doorasho la moodka ka dhacaysa Soomaaliya.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey xaflad xisbiga KULMIYE kus oo dhawaynayey garabkii New UCID ee uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta, ayaa soo dhaweeyey tallaabada Cali Khaliif Galaydh ku yimi Hargeysa oo uu ka raacay diyaarad u qaaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu kaga qaybgalayo wadahadal u furmay kooxdiisa iyo Somaliland, waxaannu yidhi, “Saaka waxa intii aynu ku jirnay qabanqaabada xafladdan dalka socod dhinaca dhulka ah ku soo galay oo haddana dhoofay, soona dhawaynaynaa isagoo nabad wada, isagoo oday ah, isagoo in Somaliland isku timaado Mudane, Cali Khaliif Galaydh oo yimi Hargeya. Maanta waa maalin ku suntan Somaliland oo daraf ilaa daraf isku timi iyadoo isu soo hillowday.

Muuse Biixi waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatadii maleeshiyada hubaysani kula kaceen hoggaamiye Cali Khaliif maalintii Axaddii oo ay kaga horjoogsadeen inuu diyaarad kaga dhoofo magaalada Buuhoodle, waxaannu sheegay in dhibta Cali Khaliif loo geystay tahay mid waayo-aragnimada iyo fahanka qiimaha nabadda ka horimanaysa, isla markaana waxa uu ku hambalyeeyey hoggaamiyaha Khaatumo go’aanka uu qaatay, “Shalay (dorraad) waxaad warbaahinta ka arkayseen niman dhallinyaro ah oo Cali Khaliif ku eedaynaya Somaliland buu u tagay oo uu nabad la gelayaa, waxanu leenahay waayo-arag maydaan ahayn, waanad gaadhi doontaan mar waayo-aragnimada iyo dantu halka ay ku jirtaa ay kow tahay nabadda, Cali-na waanu ku hambalyeynaynaa go’aanka uu qaatay, waana ka xunnahay dhibaatada ku soo gaadhay, waana la yaabahanay ragga siyaasiyiinta ah ee ku eedaynaya Cali Khaliif nabad buu wadaa, laakiin maanta Geeska Afrika nabad buu u baahanyahay, dunidu nabad bay u baahan tahay, Somaliland-na nabad bay u baahan tahay, Cali Khaliif-na nabadda uu wado iyo imaantinka uu Hargeysa lug ku soo galay isaga oo nabad raadinaya aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa, waana ku garab taaganahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Walaalayaal Cali Khaliif waa nin cimrigiisa iyo noloshiisa wax badan dadka Soomaaliyeed u soo qabtay oo magacna ku leh, in badan ayuu haddii ay qabyaaladi wax tarayso kuwaas maanta qoriga isla hortaagay uu reer ahaan waxay doonayaan uu u hoggaansanaa oo uu u dub-jiray oo uu duurka u joogay, iyada oo aan Ilaahay badin inuu iyaga noloshooda meel u raadiyo, balse nasiib-darro aragtidii qabyaaladda ee soo gaabatay waxay keentay in ninkii iyaga naftooda u huray inay maanta ixtiraam-darro  qori isla hortaagaan, taasina waa abaalka qabyaaladda ninkii qabyaaladda wax moodayow.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu ka hadlay doorashooyinka sannadkan ka qorshaysan in laga qabto Soomaaliya, waxaannu deelqaaf ku tilmaamay in ragga u tartamaya jagada madaxweynenimada Soomaaliya ku dhaartaan inay midnimada Soomaaliya ilaalinayaan, waxaannu yidhi, “Sannadkan waxa aloosan doorashooyin, waxa soo socda doorashadii Somaliland, inkasta oo ay dib u dhacday, waxa kale oo socota doorashadii Soomaaliya, 25 sannana waynu kala laalaadnaa innaga iyo Soomaaliya oo caalamku wuu ina kala saari la’yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta jooga ee Xasan Sheekh iyo kii ka horreeyey iyo ka soo socdaaba waxa uu ku dhaartaa oo ku dhaaran doonaa inuu ilaalinayo midnimada Soomaaliya, bal gardarrada halkaas ku jirta ayaan ku sheegayaaye iyaga oo isla aqoonsan inay Somaliland ka mid tahay waxay Soomaaliya ugu yeedhayaan ee ay ku dhaaranayaan, waxaanse leeyahay taasi waa deelqaaf, waana in la ilaawo.”

Haseyeeshee, Guddoomiye Muuse waxa uu xasuusiyey madaxda Soomaaliya in go’aanka Somaliland gaadhay iyo cahdiga madaxdeeduba yahay mid cad oo dhigaya jiritaanka iyo gooni-isu-taagga Jamhuuiyadda Somaliland.

Isagoo arrintaa  ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee hadda jooga, kii ka horreeyey iyo ka iman doonaaba waxa lagu dhaarin doonaa qaranimada Somaliland iyo Somaliland inay qaran madaxbannaan oo Soomaaliya ka mid ah aanay ahayn, reer Somaliland, reer Soomaaliya iyo beesha caalamkaba waxaannu u sheegaynaa labadaas dhaarood baa is hortaagan oo ta beenowda waa la arki doonaa, xisbiga KULMIYE-na maanta, dorraad iyo shalayba inuu yahay xisbiga ku dhaarsan ee dhiig u huri doona qaranimada Somaliland oo aan cidnaba ka mid ahayn, xisbi walba oo Somaliland ka jirana waxaannu ka rajaynaynaa inuu dhaartaas ilaaliyo, xisbiyadana waxaannu ka midaysanahay qaranimada Somaliland iyo in qof aan aqoonsanahay qaranimada Somaliland aan waxba innaga dhaxaynin.”

Md. Muuse Biixi oo ka hadlaya doorashada maalinta Arbacada ah ee soo socota ka qorshaysan Soomaaliya ee Madaxweynaha lagu dooranayo, waxa uu sheegay inaanay Somaliland u kala sokeynin maadaama oo aannu jirin murrashax aaminsan qaranimada Somaliland, isaga oo talo muhiim ah u soo jeediyey cidkasta oo halkaas ku soo baxda, “Soomaaliya ragga xukuma ee maanta tartamayaa waa isugu kaayamid, waayo mid waliba waxa uu ku dhaarsan yahay inaannu Somaliland u oggolayn qaranimo, annaguna  magan ugama nihin qaranimadayada, laakiin waxaannu u sheegaynaa inay ku darsadaan barnaamijkooda sidii aynu kala guran lahayn ee Soomaali deris ah oo walaalo ah oo laba qaran ah u noqon lahayn, kamase rabno inay ku dhaartaan Somaliland baan xukumayaa, caalamkana waxaannu leenahay waa gardarro aan na qabanin taasi,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.