Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Koox Jidgooyo Ka Gashay Jidka U Dhaxeeya Dila Iyo Boorama

0
951

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faraoon), ayaa sababeeyay sida ay uga joojiyeen wasaarad ahaan shir aan caadi ahayn oo ay qabsan lahaayeen xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Balligubadle oo ay ku doonayeen in ay xilka kaga qaadaan Maayarka degmadaas Cabdi Iimaan Jaamac.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in ay jirtay wareegto hore wasaaraddu uga soo saartay shirarka aan caadiga ahayn ee ay qabsanayaan xildhibaannada goleyaasha deegaannadu oo la joojiyay isla markaana lagu faray goleyaasha deegaannada in aan la ridi karin maayarrada degmooyinka inta ka horraysa doorashada goleyaasha deegaanka isagoo dhinaca kale tilmaamay in aanay taasi meesha ka saarayn in maayarrada lala xisaabtamo iyo in xilka qaadis lagu samayn karaba haddii uu shaqada loo igmaday si sax ah u gudan waayaba.

Waxaa kale oo uu ka hadlay koox dablay ah oo dorraad muddo kooban jidgooyo ka galay duleedka degmada Boorame.Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay khadka taleefoonka ku siiyay Wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in uu ka joojiyay xildhibaannada golaha deegaanka Balligubadle shir aan caadi ahayn, wuxuu yidhi, “Way jirtaa in aanu shir aan caadi ahayn oo ay doonayeen xildhibaaNno ka tirsan golaha deegaanka degmada Bali-gubadle in aanu ka joojinay laakiin sida aanu u joojinay maaha in aanu dan gaar ah ka lahayn ee waxaa kaliya ee ay waafaqsanayd wareegto hore wasaaradda uga soo baxday ee xildhibaannada goleyaasha deegaannada faraysay in aanay qabsan karin shirar aan caadi ahayn oo aan la bedeli karin maayarrada magaalooyinka leh goleyaasha deegaanka. iyadoo taa looga jeedo in hawha degmooyinku ay socdaan oo meesha laga saaro muran mar kasta ka dhex taagan maayarrada iyo xildhibaannada iyo mooshino iyo isqabsi ka dhex taagan labada dhinac oo shaqo maalmeedkii dawladaha hoose caqabad ku noqday.

Markaa iyadoo caqabadaa muran meesha laga saarayo ayay wasaaradu wareegtadaas soo saartay dhammaan goleyaasha deegaanadana waanu siinay waanay wada aqbaleen oo soo dhaweeyeen laakiin ma garanayo sababtay ay ugu dhaqmi waayeen reer Balligubadle.”

Wasiirka oo la weydiiyay in digreetadaasi ay u horseedi karto in Maayarradu ku tagri-falaan awoodaha dawladnimo ee ay hayaan, waxa uu kaga jawaabay, “Maayarradu siday doonaan ma yeeli karaan, kii shaqayn waayana waa laga fadhiisanayaa laakiin waa in aan cunaha la iskaga duubin oo aan marba mooshin iyo is qabsi xildhibaannada goleyaasha deegaannada iyo maayarrada ka dhex taagnaan oo aanay taasi shaqada dawladaha hoose curyaamin. markaa maayarradana lagama aqbalayo in ay ku tagri falaan awooda xilka ay hayaan.

Markaa goleyaasha deegaanada waxaa looga baahan yahay in ay wasaaradda u soo gudbiyaan caddaymo sax ah oo ay ku caddaynayaan in maayarka ay ka fadhiisanayaan uu caqabad ku yahay shaqada oo uu isagu curyaamiyay hawl socodsiinta dawladda hoose ee uu madaxda ka yahay, markaas ayay wasaaraduna qiimaynaysaa eedaha laga soo gudbiyay iyo siday wax uga jiraan haddii ay ku caddaatana markaas ayaa golaha caddaymaha keenay fadhiga aan caadiga ahayn loo fasaxaya.”

Wasiirka oo ka jawaabayay mar la waydiiyay koox dablay ah oo dorraad jidgooyo ka galay duleedka Boorame iyo tallaabada ay  ka qaateen,ayaa yidhi.”Koox dhallinyaro ah oo dablay ah  oo ka gadooday xadhigga maayar ku-xigenkii hore ee Boorame,ayaa duleedka Boorame ka galay jidgooyo laakiin markii dawladdu ka war heshay ciidamo ayaa ku baxay  muddo yar oo kooban ka dibna waddadii iyo isu socodkiiba dib ayay u bilaabmeen halkaana wax dhibaato ahi imika kama jirto ciidankii iyo kooxda dhallinyarada ah ee gadoodsanaydna wax khasaare ahi ma soo kala gaadhin xaaladuna waa nabad gelyo.”