Maxaa ka jira in Aqoonyahan Jamaal uu Marwadda Koowaad Ka Dalbaday Dhul Istaraatiiji Ah Oo Ku Yaala Xeebta Barbara

0
950

Jamaal Cali Xuseen Ayaa Wadda Qorshe Uu Ku Boobayo Dhul Istaraatiiji Ah Oo Ku Yaala Magaalo Xeebeeda Barbara.

Dhulkan Ayaa Ah Goobta Lagu Magacaabo Taardheer Waxaanu Sidda Warar Hoose Hangoolnews U Xaqiijiyeen Uu Ka Dalbaday Marwadda Madaxwaynaha Somaliland In Ay U Dhamayso Arrinkan.

Goobtan Ayaa Ah Meel Dan-Guud Ah Oo Looga Faa,Idayn Karro Danaha Bulshadda Reer Barbara.

Jamaal Cali Xuseen Lama Garanayo Sababta Keentay In Uu Hungureeyo Dhulkan Danta Guud Ah Ee Halbowlaha U Ah Magaalo Xeebeeda Barbara.

Dhinaca Kale Waxaa Guux Badan Ka Muujiyay Qorshan Jamaal Cali Xuseen Dadwaynaha Ku Nool Barbara.

Muddooyinkii U Dambeeyay Waxaa Si Xoogan Ay Dadwaynaha Barbara Uga Cabanayeen Bixin Dhulka Danta Guud Ah.

Lama Hubo In Marwadda Madaxwaynaha Somaliland Ay Ka Aqbashay In La Siiyo Dhulkan Danta Guud Ee Uu Siyaasigani Hunguriga Ka Galay.

Xigasho: Hangool news