Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay doorashada la filayo in ay dhawaan Soomaaliya ka dhacdo, waxaanu sheegay in doorasha Soomaaliya ka dhacaysa aanay aheyn mid dan u ah umada Soomaaliyeed laakiin ay tahay mid fidmo ka abuuri karta.