Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Dhibaatada Qaadku Ku Hayo Somaliland

0
900

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Caafimaad iyo Dhaqaale ee uu Qaadku ku hayo Shacabka Somaliland, waxaanu soo jeediyey talooyin wax lagaga qaban karo Waxyeeladiisa Dhaqaale.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddii Jimcaha Canaan ugu jeediyey Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu sheegay inay ku fashilmeen inay dhamaystiraan Waddo isku xidhaysa Xaafadaha Goljanno iyo Xawaadle, taasi oo Daamuurkii loogu talo-galay uu hore bixiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlada Guud Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan).

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlaya Mushtamihii Islaamka ee Rasuulkeenna Muxamed (CSW) uu soo dhisay, ayaa yidhi, “Waxaan ka hadlayaa Mushtamicii Muslimka ahaa ee Abuuray Rasuulku (CSW), innaga oo Ujeeddada aynu uga jeednaa tahay inaynu ku fahamno Mushtamaca guuleysta Madax iyo Mijo ka uu yahay. Inaga oo Tusaale ka qaadanayna Mushtamicii Samada iyo Dhulku isku xidhnaayeen, ee Qofka bani-aadamka ah aanay xisaabtiisu ahayn inta uu arkayo, inta Calooshu ay qaadeyso iyo inta uu tiranayo iyo Dhal-dhalaalka Adduunyada, laakiin noloshu ay ka fogey oo Qofku wax kasta oo uu qabanayo uu u eegayey aakhiro intay u jirto Shaygaa uu Adduunyada ku qabanayaa.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay dhibaatada Dhaqaale iyo Caafimaad ee Qaadku ku hayo Shacabka Somaliland, “Islaamku waa Diin qaabaysa Qofka Bani-aadamka ah, laakiin siday u qaabaysaa, waar dantaada ku faaf. Dadkeennaa bakhtiyaya waynu isku wada tagnay oo waxaynu ku heshiinay Hal Milyan iyo Boqol kun oo dollar siino Dalkaa aynu jaarka nahay ee Itoobiya, oo ay weliba innagu khasbaan oo ay yidhaahdaan ma doonayno Lacagtayadii Birta ee Dollar keena, waxaanu idinka iibinaynaa Daroogo Carruurtiina waxyeelaya, waxaanu idinka iibinaynaa Daroogo Caqligiina waxyeelaysa, waxaanu idinka iibinaynaa Daroogo dhaqaalihiina waxyeelaya, dhibaatada Qaadku iinnagu hayo waydinkaa arkaya, Sicir-bararka (Haya) Dadkeennii Maatida ahaa ee Jilicsanaa, lamana joojin karayo, Waayo? waxaynu keeni kari waynu Caqli, waxaynu kari waynay Qaadkaa Ninkii doonayaa ha cunee inaynu Itoobiya ugu beddelno Kalluunkaa uu ILAAHAY inna siiyey ama Milixdaa ILAAHAY inna siiyey, ee aanay iyagu haynin, ama inaynu nidhaahno Lacagtiinii ku qaata waxaad naga iibisaan Caleentaa wax-yeelaysa dadkayaga iyo Dhaqaalahoodii iyo Caafimaadkooda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddii Dawladdeenna Maanta jirtaa ay meel iskugu keento tobanka Qaadle ee ugu muhiimsan, oo Lacagtaa aynu haysanno Hal Milyan oo Dollar oo ka mid ah iyaga loo siiyo kharash ahaan, oo la yidhaahdo Toddobaad aynu joojinno Qaadkaasi, inta ku noolaydna Masaariifto Dad Amaano leh loogu dhiibo, Toddobaad gudihii ayay Itoobiya ku keeni lahayd Talo.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka warramay Daamuur ku dayacmay Xaafadda Xawaadle, kaasi oo loogu talo-galay in lagu dhiso Waddo isku xidhaysa Xaafadaha Xawaadle iyo Goljanno ee Magaalada Hargeysa, “Halkan waxa yaalla 407 Foosto oo Daamuur ah, 407-daa Foosto ee Daamuurka ah waxaanu Wasiirka Hawlaha guud ka soo qaadnay Sannad iyo Afar bilood ka hor si loogu sameeyo Waddadaas. Degmada 26-ka June waa Labadaa Waddo ee Goljanno, markaa waxaanu u soo qaadnay in lagu sameeyo Waddadaa Dadkii Jilicsanaa ay meel ay Meydka ka qaadaan (Waayey), ee intii Lacagta haysatay ay Maansoor iyo Agagaarkiisa u guureen, laakiin ay ku hadheen intii aan lahayn Cid u gargaarta. Sannadkaa iyo Afartaa bilood waxa ilaalinta Daamuurkaa ku baxay $ 2,840 Dollar. In ka badan 110 Foosto oo ka mid ahaa Daamuurkaa oo mid walba noqonayso $ 155 dollar, Macnaheeduna tahay Lacag 17000 kun oo Dollar ka khasaaray Daamuurkaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Xaafaddani waa Xaafaddii uu Maayarku ku dhashay, Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Xaafaddan laga doortay waa Sagaal. Daamuurkaa halkaa ku baaba’aya wuxuu galay Bajadka Dawladda Hoose iyo Dawladda dhexe oo aanu kala hadalnay Sannad iyo Afar bilood ka hor. Islaamku Nidaamkii uu soo qaddimay waxa mid ah, haddii Waddada Ciraaq ku taalla ay Hal ku turun-turooto ILAAHAY wuxuu i odhanayaa ‘Maxaad Waddada u hagaajin wayday’..”?

Sheekhu wuxuu ka dardaar-wariyey dadka deggan Xaafadaha Waddada Daamuurkeedu khasaarayo, waxaanu yidhi, “Oday ma jirto, Taajir ma jiro, Caqli ma jiro, Masuul ma jiro. Cid Alaale iyo Cid aad uga Ashkatooto oo aad tidhaahdo siday wax noqonayaan. Ummad dareen leh oo ka jawaabaysa waxay Xaq u leedahay oo dalban kareysaa ma jiro. Daamuurkaa la soo baryay waa $ 46 kun oo Dollar. Waddadaa Lacagteedii Saddex Daloolow laba Dalool-baa halkaa ku baaba’aya. Imika waxay nagu kalifaysaa inaanu Daamurka siino Dadka Caqligoodu soo jeedo ee wax qabsanaya ee Waddooyinkooda samaysanaya.”

Ugu dambeyn, Sheekhu wuxuu u duceeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo uu sheegay inay ka soo qaadeen Daamuurka Dawladda Hoose ku Shaqeyntiisa ka seexatay.