Wefti Wasiirro iyo xubno ka tirsan Guddida gurmadka abaaraha ee qaranka, ayaa maanta u kicitimay dalka Kuwait, halkaasi oo ay u tagayaan sidii ay gargaar uga dooni lahaayeen dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee ku habsatay gobollada bariga Somaliland.

Weftigan Wasiirrada ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxa xubno ka ah Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Caafimaadka, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo xubno ka tirsan guddida abaaraha ee qaranka.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isagu galabta ka dabo-tagay weftigan, ayaa madaarka Hargeysa, warbaahinta ugu sheegay in safarkoodu la xidhiidho sidii ay mucaawimo ugu weydiin lahaayeen bulshada abaaruhu saameeyeen ee Somaliland, dawladda Kuwait iyo hay’adaheeda samo-falka.