Sheekh Shariif Haddii Uu Mar Labaad Madaxweyne Ka Noqdo Soomaaliya Maxaa Uga Qorshaysan Somaliland?

0
1114

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ka mid ah Siyaasiyiin u sharraxan jagada Madaxweynaha dalkaas, ayaa ka hadlay waxa uga qorshaysan Somaliland haddii uu ku guulaysto inuu mar kale Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.

“Somaliland arrimaheeda dariiqa kaliya ee aan aaminsannahay waa dariiqa waddahadalka, oo runtii si walaalnimo loo waddahadalo, wixii dhacay laga waddahadalo, mustaqbalka iyo baawarsheerinkanna meel la isla dhiggo. Runtii waxay tabanayaan ama horre u dhacay ama ay shakiga ka qabaan laga shaafiyo, waxaan aaminsannahay in lagu gaadhayo midnimo qaran.”  Sidaa ayuu yidhi Sheekh Shariif oo u warramay Horn Cable TV oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey waxa uga meel-yaal Somaliland haddii uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.

Sidoo kale, Musharrax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu aqbalayo haddii lagaga guulaysto doorashada Madaxweynaha Baarlamaanku dooranayo ee Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Maxaan u aqbali waayay? Maaha doorasho inuu galo Qof aan aqbalayn haddii laga guulaysto. Laakiin, waxaan rabaa inay caddaalad ahaato oo aanu musuqmaasuq gelin doorashada.”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markii uu afar sano iyo dheeraad hoggaaminayey Soomaaliya uu Madaxweynaha hadda wakhtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud kaga guulaystay doorashadii 2012-kii ka dhacday Muqdisho, ayaa si qurux badan u hambalyeeyey markii uu wareeggii u dambeeyey Codadka Baarlamaanka kaga guulaystay, ayaa hadda lagu soo warramayaa inuu ka mid yahay Musharrixiinta ugu cadcad ee wakhtigan u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo u muddaysan 8-da bishan labaad ee 2017-ka.