Musharrax Cirro oo Ka Hadlay Go’aammaddii Xukuumaddu Ku Soo Rogtay Adeegyada Zaad, E-Dahab iyo Sarkaal Telesom Ka Xidhan

0
1047

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa jagada Madaweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay go’aannada ay Xukuumadda Somaliland soo saartay Salaasadii toddobaadkii hore ee ay ku xakamaynayso sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka ee dalka saameeyey, isla markaana uu Madaxweynuhuna Digreeto ku dhaqan-geliyey, waxaanu difaacay Adeegyada Zaad iyo E-Dahab, sidoo kalena waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay xorriyaddiisa u soo celiso Sarkaal ka tirsan Shirkadda Telesom oo Hargeysa ku xidhan.

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ay qaybta Wararka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani xalay Warbaahinta u kala dirtay, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay go’aamaddii ay dhawaan Xukuumaddu ka soo saartay Xakameynta Sicir-bararka iyo weli ba sida oo kale adeegyada lacagaha ee Zaadka iyo E-Dahabka, waxaana uu sheegay in ay ka xisbi ahaan soo dhaweynayaan talaabooyinka ay xukuumaddu ku dhiiri-gelinayso adeegsiga iyo weli ba isticmaalka lacagta Shilling Somaliland ta, balse waxa uu talaabo deg-dag ah ku tilmaamay go’aanka Xukuumaddu ka qaadatay adeegyadda lacagta ee Zaad iyo E-dahab oo uu sheegay in aanay ahayn go’aamo ku dhisan cilmi baadhisyo sheegaya saameynta ay ku lee yihiin sicir-bararka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa sidan ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Talefeeshanka Horn Cable, waxaana ugu horeyn uu Xukuumadda KULMIYE ku dhaliilay in ay baanka dhaxe ee Somaliland ay kala wareegtay awoodahiisii caadiga ahaa, isaga oo u soo jeediyey in ay baanka dhaxe si deg-dag ah ugu soo celiso una madax-banaaneyso awoodahiisii caadiga ahaa si uu u maamulo isla mar ahaantaana uu u dejiyo isku bedelka sarifka lacagaha dollarka iyo Shilling Somaliland ta.

“Waxa aan is lee yahay awooda ugu weyn ee wax ka qabashada leh ee u baahan in la awoodeeyo misna awoodiisa loo soo celiyaa waa baanka dhaxe ee jamhuuriyadda Somaliland oo baananka dhaxe dunida waxa ay xukumaan dhammaan lacagaha ama siyaasadda lacagta ee dalka, markaa marka hore waxa aanu Xukuumadda ugu baaqeynaa in awoodiisii loo soo celiyo baanka dhaxe, gaar ahaan intii ay Xukuumadda KULMIYE ay timi waxa cadaatay in baanka dhaxe uu awoodiisii maamulista lacagta adag laga la wareegay oo Baanku waa in uu marna suuqa soo geliyaa Dollar marna waa in uu Shillingka geliyaa si loo dejiyo qiimaha lacagaha, waa in ay Xukuumaddu iyadu dhiiri-gelisaa isticmaalka shillingka Somaliland oo ay cashuuraha ku qaadaa, oo ay qandaraasyada ku bixisaa oo dhammaan adeegyada kale lagu isticmaalo shillingka Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqey adeegsiga iyo isctimaalka lacagta Shilling Somaliland-ta, waxaana uu yidhi:“Dhammaan shacabka Somaliland, waxa aanu ugu baaqeynaa in ay isticmaalaan lacagta Shilling ka Somaliland, Xukuumadda na in la hirgeliyo shillingka Somaliland waanu ku taageeraynaa runtii.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu ganafka ku dhuftay go’aamada ay Xukuumaddu ka qaadatay adeegyada lacagta ee Zaad iyo E-Dahab oo uu sheegay in talaabooyinkaasi ay yihiin kuwo lagu deg-dagay, isaga oo kaalinta dhaqaale iyo horumarineed ee ay dalka ku lee yihiin adeegyaddaasi, gaar ahaan taakuleynta abaaraha ee xiligan.

“Xukuumaddu go’aamo ayey soo saartay, waana in aynu ka fakernaa go’aamadaasi waxa ay u tareen dadka, ma sicir-bararkii bay ka qeyb-qaateen, miyey ka qeyb-qaadanayaan. Adeegyada E-Dahab iyo Zaad na waa adeegyo ay isticmaalaan dalal badan oo inaga horeeyey oo ay toban sann, shan iyo toban sanno iyo in ka badan ba ay isticmaalayeen si cilmi ahna looma xaqiijin in adeegyaddaasi ay ka qeyb-qaataana sicir-bararka oo marka aynu Somaliland eegno na adeegyaddaasi faa’iido badan bay u lee yihiin. Xalay waxa aan dhageysanaayey Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida gurmadka iyo taakuleynta abaaraha sida oo kale na ka mid ah culimada ugu waaweyn dalka, waxa uu yidhi gurmadkii abaaraha ganacsadahii ugu weynaa ee ka qeyb-qaatay wuxu ahaa ZAADKA oo taasi waxa ay ku tusinaysaa in E-Dahabka iyo Zaad ku ba ay runtii si weyn uga qeyb-qaateen gurmadkii shacabkeena ee reer Somaliland.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Murashaxa Cirro, waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay muhiimadda adeegyada Zaadka iyo E-dahab ay qaranka u lee yihiin iyo weli ba sida loogga qeyb-qaato gurmadka abaaraha ee dalka, waxaana uu yidhi:

“Waxa kale oo aynu tusaale yar u soo qaadaneynaa ninka ganacsadaha ah ee ka soo guuray Sanaag ama Togdheer ee Awdal tagay een ehelkiisii la joojin haddii uu maanta u baahdo Foosto biyo ah ee aan meel magaalo ah joojin, xawaalado na aanay u dhaweyn een baan u dhaweyn sida qudha ee looggu gurman karaa waxa weeye adeegaa furan Afar iyo Labaatanak Saacaddood in lagu gaadhsiiyo, haddii Foosto biyo ah loo baahan yahay, haddii uu Toban Dollar u baahan yahay iyo haddii uu Kiish Raashin ah ba uu u baahan yahay oo qofkii wax u helaaba waxa uu ku gaadhsiin karaa waa adeegaas.”.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu su’aal geliyey sababta ay Xukuumaddu ugu doortay adeegyada Zaad iyo E-Dahab xaddiga lacaggeed ee laga diraayo oon ka badneyn 100 dollar, isaga oo sida oo kale na sheegay in go’aankii ay Xukuumaddu u qabatay shirkadaha Isgaadhsiintu aanua hayn mid suurto-gal ah.

“Waxa aynu isweydiineynaa maxaa boqolka dollar wixii ka yar loo mabnuucay ee wixii ka badan loo fasaxay, baahida ugu badan ee dadku u baahan yahay ba waa boqolkaa dollar iyo wixii ka yar, markaa waxa aynu u baahan nahay in arrintaas si cilmi ah loo baadho iyada oo laga deynaayo caadifad iyo fal-celin laga sameeyo, waxa aynu u baahan nahay in arrintaas aynu eegno, waxa aynu u baahan nahay in Xukuumaddu aanay Afar iyo Labbaatan saacaddood aan nidaam maaliyaddeed oo shaqeynaya lagu baabiin karin way cadahay, go’aankaas 48saacaddood ahaana waxa uu u baahan yahay dib-u-eegis, waxa ay u baahan tahay in wakhti la siiyo oo laga baaraan-dego oo la eego, weli ba xaaladdan abaaraha ee gurmadka waana la cadeeyey in shacabkeena sida ugu sahlan ee wax lagu gaadhsiin karaa ay adeegyadaas tahay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxa kale oo uu Xukuumadd ku dhaliilay in aanay haynin ama aanay weli diyaarinin wixii lagu bedeli lahaa adeegyada Zaad iyo E-Dahab haddii ba la joojiyo, waxaana uu yidhi:

“Waxa aynu isweydiineynaa haddii ay Xukuumaddu joojiso adeegyadaas maxay ku bedelaysaa, marka aad wax bedelayso waa in aad keentaa wixii lagu bedelaayey ee dadkan adeegaas u qabanaayey, inaga oo adeegii kaas bedelaayey aan haynin in aynu wax baabiinaa waxa ay ila tahay in ay deg-dag tahay.”.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu sheegay: “Waxa aan is lee yahay malaha baahidu waxa ay ahayd in boqolka dollar wixii ka badan la joojiyo oo haddii la fasaxay boqol dollar wixii ka badan ee illaa Hal Milyan la diri karo maxaa loo joojinayaa boqolka dollar wixii ka yar. Saameynta sicir-bararka ma waxa leh boqolka dollar iyo wixii ka badan mise boqolka dollar iyo wixii ka yar baa sicir-bararka abuuraya.”.” sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Xisbiga Waddani naga soo gaadhay xalay.