Kulan maanta ka dhacay aqalka madaxtooyada Somaliland oo ay jilbaha isku dareen sadexda Xisbi Qaran MAdaxwayne Siilaanyo  iyo komishanka Doorashooyinka ayaa waxa ay maanta si rasmi ah iskula qaateen in mudo todoba bilood ah dib loo dhigo doorashada Madaxwaynaha oo ku beegan 10 bisha Octobeer ee isla Sanadkan ay ku jirno ee 2017ka.

Dhinaca kale Kulanka ayaa sadex geesoodka ah ayaa waxa la isla soo qaaday in doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee Dalka isla wakhti kaliya la qabto taasi oo loo qoondeeyey in ay dalka ka dhacaan 10 bisha Octtber ee Sanadka 2018 ka oo ku beegan marka ay dhacdo ta madaxtooyada Somaliland Sanad ka dib.

Gudoomiyayaasha Sadexda xisbi ayaa waxay si isku mid ah usoo dhaweeyeen in mudadaasi la kordhiyo iyaga oo golaha guurtida u direy fariin ah in xiligaasi ay isla garteen ay ku raacaan Madaxda Qaranka.