Cali Khaliif Oo Qarannimada Somaliland Qirtay, Isimada Deegaankiisana Farriin Adag u Diray

0
1003

“Nimanka isimada ah ee dhulka joogaa waxa ay dhuunta noogu galeen siyaasaddaanu maamulaynaa oo annagaa Isaaq hor fadhiisanaynee Higlo-ka-dhacday ha tageen” Cali Khaliif

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md.Cali Khaliif, ayaa ka hadlay dagaallo dhexmaraya beelo walaalo ah oo ku sugan deegaanka Higlo-ka-dhacday ee gobolka Buuhoodle, waxana uu bulshada halkaas deggen ku canaantay inay weli ka ilbixi la’ayihiin dagaallo sokeeye iyo inay is gumaadaan.

Cali Khaliif oo isaga oo Buuhoode ku sugan dad shacab ah la hadlay, ayaa si cad u sheegay in qaranimada Somaliland mid xaq ah tahay, maadaama ay ku hawllan yihiin kala badbaadinta beelaha deegaannada Bariga oo xilligan dhexdooda ka dagaallamaya, waxana uu yidhi,“habeen hore iyo xalay rag baa lagu laayey Laascaanood, dagaal iyo mixnad aad u foolxun baa ka socota Higlo-ka dhacday, hadda ogaada inta aynu inagu isku maqanahay ee isku muuqano Somaliland Higlo-kadhacday bay iman doontaa iyada oo leh dad wuxuush ah oo wakhtigaa la joogo is laynayaa ayaanu kala celinaynaa oo nabadgelyadaanu u joognaa, taasina waxa ay caddaynaysaa inuu maamulkoodu yahay wax xaq ah maadaama oo ay cid kala badbaadinayaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay muhiimadda ay nabaddu leedahay, waxana uu usoo jeediyey madax-dhaqameedka deegaankaas ku nool inay u gurmadaan beelaha is laynaya, isaga oo shaaciyey inay arrimaha siyaasadda oo aan shaqadooda ahayn door bidayaan,“danta aynu wada leenahay waxa aasaas u ahi waa nabadda haddii aanay nabadi jirine meelna lama tegi karo, waar nabadda aynu ku tuntuunsano oo nimankan isimada ah ee cuqaasha ah ee dhulka joogaa waxa dhuunta noogu galeen siyaasaddaanu maamulaynaa oo annagaa Isaaq hor fadhiisanaynee Higlo-ka-dhacday ha tageen” ayuu yidhi Cali Khaliif.