Siyaasi Katirsan Garabka Toosinta Iyo Caddaaladda Oo Axmed M. Seed Ku Eedeeyey Inuu Siyaasadda Ugu Jiro Sidii Uu Uga Shaqaysan Lahaa

0
1079

Maxamed Abiib oo kamid ah siyaasiyiinta garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI, ayaa dhaliilo u jeediyey guddoomiyaha Garabkaas Md. Axmed Muumin Seed, waxana uu ku eedeeyey inuu gaabis geliyey dardargelinta wada-hadalladii uu garabku kula jirey xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Maxamed Abiib oo warbaahinta la hadlay, ayaa guddoomiye Seed ku eedeeyey inuu siyaasadda u haysto wax lagu shaqaysto, isla-markaana ka baydhay majarihii iyo ujeeddadii siyaasadda ee ahayd in umadda loogu adeego, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“siyaasadda dalkaa loogu adeegaa oo waxay xambaarsan tahay aragti, laakin Axmed Muumin Seed waxad moodaa inuu siyaasadda kaga jiro dhinaca ka shaqaysiga sidii qolyo badan oo lixdii sano ee ugu dambeeyey aynu aragnayba ahaayeen, waxanad moodaa in garabka iyo Axmed Muumin wada soconin oo ay laba jid kala marayaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay inuu horeba guddoomiye Seed keli-socodnimo iyo wada-shaqayn la’aan darteed u waayey kursigii murrashaxnimada ee xisbiga WADDANI, haatana uu keligii soconayo,“Shalay Axmed Muumin Seed kursigiisii weynaa ee uu shanta sanadood u halgamayey waxyaabaha uu ku waayey waxa kamid ahaa inuu keligii socdo” ayuu yidhi siyaasi Maxamed Abiib.

Axmed Muumin Seed oo hoggaaminayey garabka toosinta iyo caddaaladda ee kaso go’ay xisbiga WADDANI, ayaa hore wada-hadallo ula galay xisbiga KULMIYE, balse weli wada-hadalladaas natiijadooda si rasmi ah la iskuguma raacin, waxase muuqata inaanay xubnaha garabku dhexdooda isku sal bannaanayn oo ay xurguf hoose soo korodhay.