“Haddii Uu Muuse Lixdaas Bilood Nala Qaadan Waayo, Guurtidaan U Tegayaa Arbacada, Marka Uu Xaaji Cabdi-Waraabe Ku Dhufto Wixiisiina Waxan Leeyahay Waa In Dawlad Midnimo Qaran Ah La Dhisaa”

0
1114

“WADDANI dhawr iyo toban kooxood oo aan la kala garanayn baa ku jira, kuwii Xamar ka yimi baa ku jira, ragga mus-dambeedka  WADDANI ee isku reerka ahi waa raggii UDUB, kuwii intaas oo sanadood KULMIYE ku jirey  ee shalay aanu mucaaridka ku ahayn ee aan TV-yada iska caayeynay  baa ku jira,……”

“Lacag baan dumar siiyey oo  Ii heesay oo afka soo casaystay oo Bootar soo marsaday adeer waxaasi xisbinimo ma aha……”Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka hadlay qorsheyaasha mucaarid ahaan uga meel yaalla diidmada xisbul-xaakimka ee muddada lixda bilood ah ee ay soo jeediyeen in doorashada dib loo dhigo, waxana uu tilmaamay inuu isagu guddoomiye ahaan cagihiisa ugu tegi doono golaha guurtida oo iyagu awood u leh iinay muddo-kordhin sameeyaan.

Guddoomiye Faysal oo magaalada Hargeysa saxaafadda kula hadlay, ayaa sidoo kalena eedo kulul u jeediyey xisbiga WADDANI, waxana uu xusay inay ku midoobeen kooxo kala aragtiyo duwan oo ay adag tahay in lala shaqeeyo amaba xidhiidh is-fahan lala yeeshaa.

Faysal Cali-waraabe isaga oo ka hadlaya qorshaha uga meel yaalla haddii ay ku guulaysan waayaan inay xisbul-xaakimka ku qanciyaan inuu muddo-kordhinta lixda bilood ah la qaato, ayaa waxa uu yidhi, “haddii Muuse Iyo KULMIYE diidaan waxa aanu soo jeedinay ee dhexdhexaadka ah guurtidaanu odhanaynaa intii aad doontaan kordhiya, markay guurtidu kordhisona dawlad midnimo qaran ah dhisaanu odhanaynaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si cad u sheegay inuu hortegi doono guurtida, isla-markaana ka codsan doono inay sameeyaan muddo-kordhin rabitaankooda ku timi, intaas kadibna uu codsan doono samaynta dawlad midnimo qaran ah,“Haddii uu Muuse Lixdaas bilood nala qaadan waayo ama uu wax u dhaw keeni waayo Guurtidaan u tegayaa Arbacada, waxana aan odhanayaa waanu heshiin weynaye sameeya, marka uu Xaaji Cabdi-waraabe ku dhufto wixiisiina waxan leeyahay waa in dawlad midnimo qaran ah la dhisaa” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Dhinaca kalena waxa uu guddoomiye Faysal Cali-waraabe eedo culus u jeediyey xisbiga WADDANI, waxana uu shaaciyey in kooxo kala duwan oo meelo kala duwan iskaga yimi xisbigaas ku kulmeen, isla-markaana aanay xisbigiisa wada shaqayn Karin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“WADDANI dhawr iyo toban kooxood oo aan la kala garanayn baa ku jira, kuwii Xamar ka yimi, kuwii intaas oo sanadood KULMIYE ku jirey  ee shalay aanu mucaaridka ku ahayn ee aan TV-yada iska caayeynay  baa ku jira, ragga mus-dambeedka  WADDANI ee isku reerka ahi waa raggii UDUB, Cabdiraxmaan-na waa UCID.”

Faysal waxa uu intaas ku daray,“Meesha xisbi ma jiree lacag baa reero isku soo ururinayaa oo xaflad baa la dhigayaa siyaasad ma ahee waxa la kala dooranayaa waa hoggaamiyeyaasha, intaas dawladdu jirtey baa dalkeenu jirey.”

Isaga oo u duur xulaya xafladaha ayaamahan uu xisbiga WADDANI u qabanayey haweenka ee aanay raggu wehelin waxa uu yidhi,“Lacag baan dumar siiyey oo  Ii heesay oo afka soo casaystay oo Bootar soo marsaday adeer waxaasi xisbinimo ma aha.”