Guddoomiyaha Sarrifleyaasha Hargeysa Oo Farta Ku Fiiqay Cidda Sababtay Qiime-dhaca Ku Yimi Shilinkii Somaliland

0
1122

“Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee imika ina haysta waxa kamid ah Jaadka oo isagu dollar joogto ah doonaya iyo  ZAAD-ka oo Mobile-kaaga inta hawo laguugu shubo ayaa dollarkii yaallay ay qaadanayaan oo ku shaqo tegayaan, midh dollar ah oo yaallaana ma jiro,”Gudd. Sarrifleyaasha Hargeysa

Guddoomiyaha sarrifleyaasha  magaalada Hargeysa Md. Cabdilaahi Cali Barre, ayaa  sharraxaad dheer ka bixiyey asbaabta keentay inuu qiimaha dollarka kor u kaco, isla-markaana uu dhulka galo qiimaha lacagta shilinka Somaliland.

Guddoomiye Cabdilaahi oo maalintii shalay hor tegay golaha guurtida Somaliland, ayaa shaaciyey inay bulshadu iska nacday lacagtii Somaliland, taas beddelkeeda ay si siman u calmadeen lacagta qalaad ee Doolarka, taas oo keentay inay inuu shilinkii qaranku qiimo beelo.

Guddoomiyuhu waxa uu meesha ka saaray inuu qiimaha Dollarku kor u kacay, waxana uu ku adkaystay in karaahida bulshada ee lacagtii Somaliland sababtay  sicir-bararka iyo qiime kaca dollarka,“Dollar imika inagu kacay ma jiree lacagtii Somaliland baa istaagtay oo laga baxay, qof kasta oo reer Somaliland ahina waxa uu doonayaa Dollar, lacagteeniina meel baa lagu tuuray, idinku guurti ahaan marka aad mushaharka soo qaadataan nin kastaaba dollar buu ka dhigta oo shilinka Somaliland ma qaato” ayuu yidhi guddoomiye Cabdilaahi Cali Barre.

Guddoomiye Cabdilaahi waxa uu intaas ku daray,“sababta lacagteenii looga cararayaa waa dhibaato waddanka taalla oo aynu inagu masuul ka nahay, haddii uu wasiir yahay iyo haddii uu shaqaale dawladeed yahayba nin shilinka Somaliland ku dhaxaa ma jiro oo siduu ula cararayo ayuu sarriflaha u keenayaa oo uu odhanayaa iga qabo oo waxaad  doonto igu sii dollarka.”

Cabdilaahi Cali Barre, guddoomiyaha sarriflayaasha Hargeysa waxa uu sidoo kale carrabka ku ballaadhiyey in adeegga ZAAD-ku kaalin weyn kaga jiro qiime kaca dollarka iyo yaraanta isticmaalkii shilinka Somaliland, waxan uu yidhi,“Sababaha ugu waaweyn ee imika ina haysta waxa kamid ah Jaadka oo isagu dollar joogto ah doonaya, midka labaadna waa ZAAD-ka oo Mobile-kaaga inta hawo laguugu shubo ayaa dollarkii yaallay ay qaadanayaan oo ku shaqo tegayaan, midh dollar ah oo yaallaana ma jiro, sicir-bararkuna ma joogsanayo, marka adiga hawo lagaaga tago ee dolarkii lagaa qaato hawadu dollar noqon mayso.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in lacagtii Somaliland meesha kaliya ee maanta laga helayaa ay tahay Baanka dhexe oo aanay jirin cid kale oo uu gacanteeda ku jiraa,“Shilinkii Somaliland Baanka ayuu ku dhex bakhtiyeye meel kale uu yaallo oo uu hoydaa ma jirto, markii horena Baanku isaga ayaa iska xilsaarayey oo hoggaanka u hayey, isaguna imika mooji” ayuu yidhi guddoomiye Cabdilaahi Cali Barre.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaanahan uu cirka isku sii shareerayo qiimaha lacagta dollarku, isla-markaana uu garab socdo sicir-barar noloshii bulshada saamayn dararn ku yeeshay, balse xukuumadda ayaan weli arrintaas wax tallaabo ah ka qaadin.