Go’aanka Komishanku Ma Noqon Doonaa Mid Danta Qaranku Ku Jirto, Axsaabtana Kala Badbaadiya, Mise Mid Shaqadooda Galaafta Ayuu Noqon Doonaa?

0
846
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay
Agabkii Lagu Daabacayey Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Oo Shalay Hargeysa Kasoo Degay

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa waxa weli looga fadhiyaa inay meel isla dhigaan qorshe cad oo muujiyana waqti cayiman oo ay dalka doorasho kaga qaban karaan, iyada oo maalmo ka hor kulankii ay madaxweynaha la yeesheen lagu faray inay muddo cayiman lasoo guryo noqdaan.

Inkasta oo ay guddidu maalmihii ugu dambeeyey shirar joogto ah ku jireen, haddana weli  kuma ay guulaysan inay isla meel dhigaan xilli kama kacdo ah oo ay dalka doorasho kaga qaban karaan, iyaga oo shidaal qaadanaya abaarta jirta iyo qabyada hawlahooda ku jira.

Guddida doorashooyinka oo dhaliilo badan loo jeediyo, ayaa waxa muuqata inay shaqadooda qabyo badani ku jirto, balse ay isku dayayaan inay taas qariyaan oo ay ceebtooda ku riixaan dhinaca abaarta, iyaga oo soo qaddimay in abaartu tahay caqabadda kaliya ee xilligan doorashada hortaagan.

Marnaba may qiranin qabyooyinka muuqda ee shaqadooda ku jira, kuwaas oo aan saamaxeen inay dalka doorasho ka qabsoonto, xataa haddii aanay maanta abaartu jiri lahayn, waxase laga wada dheregsan yahay inaanay hawshoodu isku dubbo ridnayn oo aanay dhammaystirin hawlo badan oo doorashada fure u noqon lahaa, kuwaas oo ay kaw ka tahay arrinta qaybinta kaadhadhku.

Shalay oo ay bishani ahayd 21, ayey maalintii ay hore u shaaciyeen inay bilaabayaan qaybinta kaadhadhka,balse taasi may dhicin oo kuma ay dhaqaaqin, waxana ay ku mashquulsan yihiin oo ku adkaatay inay badka keenaan maalintii ay madaxweynaha, saddexda xisbi iyo bulshadaba ku qacin lahaayeen inay doorashada qaban karayaan.

Haddii ay maanta ilaa Berri wakhti cayiman soo saari waayaan, isla-markaana uu wakhtigaani noqon waayo mid bulshadu ku qanci karo, waxa dhici karta inuu madaxweynuhu ka fikiro sidii loo kala diri lahaa, maadaama ay abuurantay jawi muujinaya inaanay gudan karaynin hawshii qaranku u igmaday.

Guntii iy gebagebadii waxa indhaha beesha caalamka, kuwaas siyaasiyiinta iyio kuwa bulshaduba ku jeedaan go’aanka ay komishanku keenaan iyo sida uu midho dhalka u noqon doono, waxana si guud u muuqanaysa gal-daloolooyinka aan cidna ka qarsoonayn ee komishanka qaranku leeyihiin.