Sicir Bararka Oo U Muuqda Inuu Xadhkaha Sii Goosanayo

0
822

Sicir bararka ka taagan suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa u muuqda inuu xadhkaha goosanayo, ka dib markii la waayay qorshe lagu hakiyo.

Sicir bararkan, ayaa wuxuu soo taagnaa saddexdii bilood ee u dambaysay, waxase hadda muuqata inaanu sare mooyee hoos u soo noqonayn. Labadii toddobaad ee u dambeeyay wuxuu halka dollar marayay lacagta u dhaxaysa 8000-8300 oo shillinka Somaliland ah, waana halkii u saraysay ee uu abid gaadho.

Sicir bararka ayaa sababaha dabada ka riixaya lagu kala aragti duwanyahay. Waxase la isku raacsanyahay inuu saamayn ku yeeshay quutal daruuriga oo isaguna suuqyada sare uga kacay taas oo saamayn ku yeelatay bulshada Somaliland ee danyarta u badan.

Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Siilaanyo, ayna ka mid yihiin wasiiradiisa, ayaa dhawr goor sheegay inay samayn doonaan qorshe lagu joojinayo sicir bararka, balse hadaladaas ayaa noqday kuwo markii la yidhi ay ugu dambaysay.

Sidoo kale shacabka Somaliland ayaa u muuqda inaanay ku baraarugsanayn sicir bararkan balse ay ku mashquleen siyaasadda ka dhaxaysa xisbiyada iyo doorashooyinka dib u dhacay.