Hanjabaadii Wasiir Maxamuud Xaashi Ee Saxaafadda Oo Laga Dhex Akhriyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

0
712
????????????????????????????????????

Hadalo hanjabaad ah oo uu wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, dabayaaqadii sannadkii hore ugu hanjabay saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland, ayaa gaadhay meel dheer.

Xoghayaha guud ee xilkiisu dhammaaday ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ayaa warbixin uu golaha ammaanka Qaramada Midoobay u gudbiyay oo ku taariikhaysan 9 January 2017, wuxuu qaybo ka mid ah kaga hadlay hanjabaadaas wasiirka madaxtooyada Somaliland  “8 September, wasiirka madxtooyada Somaliland wuxuu saxaafadda madaxbanaan ee Somaliland ku eedeeyay inay qasayso ammaanka Somaliland, isagoo ku calaamadiyay inay yihiin maleeshiyo hubaysan oo u baahan in hub ka dhigis lagu sameeyo.” sidaas ayuu ku yidhi Ban Ki Moon warbixintiisa, isagoo intaas raaciyay “Ururada saxaafadda iyo hay’adaha xuquuqal insaanka ayaa wasiirka ugu baaqay inuu joojiyo hanjabaadaha noocan ah.”

Hadalkaas wasiirka madaxtooyada oo ay wakhtigaas saxaafadda Somaliland aad uga qaylisay ayaa u muuqda inuu noqday hadal fogaaday oo la gaadhsiiyay ilaa golaha ammaanka, waxaana muuqanaysa is faham waaga u dhexeeya saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inuu mararka qaar gaadhi karo heer uu dhaawac u gaysan karo sumcadda Somaliland.

Geesta kale, wuxuu hadalkani muujinayaa sida ay miisaan u yeelan karaan hadalada ay guud ahaan siyaasiyiinta Somaliland muxaafid iyo mucaaradba si fudud isaga yidhaahdaan.