WADDANI Oo Madaxweynaha U Gudbinaya Magacyada Masuuliyiin Ay Ku Eedeeyeen Shirqoollo Warbaahineed Oo Xidhiidhsan Hargeysa Illaa Nairobi & KULMIYE Oo Ku Xusan

0
989

WADDANI Oo Sheegay In 7 Qof Oo Qaarkood Hargeysa Ka Tageen Ay Nairobi Ugu Xidhan War Hoggaankooda Ku Xidhiidhiyey Soomaali-weyn Oo Uu Daabacay Wargeyska The Star

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay Madaxweynaha u gudbinayaan Dacwad ka dhan ah Masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumaddiisa iyo Xisbiga KULMIYE.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Xilligan ka mid ah Xisbiga WADDANI, ayaa Maanta Saxaafadda u sheegay in Xisbiga KULMIYE iyo Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddu ka dambeeyeen War daba-yaaqada bishii hore uu daabacay Wargeys ka soo baxa Magaalada Nairobi, kaasi oo sheegayey in Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo uu Hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbigasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay Magaalada Nairobi kula shireen Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isla-markaana ay kala hadleen sidii dib loogu mideyn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, sidaasi darteed ay Madaxweynaha u gudbinayaan Dhukumanti ay ku soo ururiyeen Magacyada Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ah oo uu sheegay inay ka dambeeyeen sidii Warkaasi loo daabici lahaa, si buu yidhi loo dhaawaco Kalsoonida Shacabku ku qabo Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI.

Cabdirisaaq Khaliif wuxuu tilmaamay in Warka uu Wargeyska The Star ku sheegay in Hoggaanka WADDANI iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka wada-hadleen Midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya uu ahaa War been abuur ah, isla-markaana qoraallada iyo Sawirrada loo adeegsaday qaarkood looga diray Somaliland, sidaasi darteed ay doonayaan in Madaxweynuhu wax ka qabto Arrintaasi, maaddaama oo Wararka Warbaahinta Shisheeye ka qorto WADDANI uu dhaawacayo.

Mr. Khaliif oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Awalba innagu waxaynu doono waynu iska qor-qori jirnay, laakiin in Saxaafad-shisheeye loo adeegsado been abuur aan jirin, arrintaasi Xisbiga WADDANI oo keliya ma dhaawacweyso ee waxay saamayn ku yeelanaysa Qaran ahaan, haddii ay sii socotana waxay keenaysaa inay Ceebaheennu dibadda u baxaan. Sidaa darteed waxaanu doonaynaa in aanu Arrintaa soo Afjarno oo Cid kasta oo buunbuunisay oo Xisbul-Xaakimku ugu horeeyo. Waxa jira Dad kale oo ka qayb-qaatay oo Qaarkood Masuuliyiin hore oo Dawladeed ahaan jireen, waxa kale oo aanu daba soconaa Dad hadda ah Masuuliyiin Dawladeed ahi inay ku lug-lahaayeen.”

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wuxuu sheegay in Kiiska la xidhiidha Warka uu Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ka qoray Masuuliyiinta WADDANI ay u xidhan yihiin 7 Qof, “Arrinta waxa Magaalada Nairobi ugu xidhan 7 Qof oo qaarkood ay Halkan (Somaliland) ka tageen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Xisbi ahaan Dacwad arrintan la xidhiidha u gudbinayaan Madaxweynaha, “Waxaanu samaynay Dhukumanti dhamaystiran oo wata qoraalladeedii, Fal-dambiyeedyadii la galay ee aanu Annagu Xisbi ahaan tirsanaynay, waxaanuna doonaynaa inaanu Madaxweynaha u gudbino, maaddaama oo uu yahay Hoggaamiyihii Qaranka, Dadkana uu u dhex yahay.”

Wasiirkii hore ee Hawlaha guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waxaanu doonaynaa in marka aanu u gudbino aanu Madaxweynaha iska Qancino dhibaatooyinkaa la geystay, ha noqoto Qoraallada la qoray ee Dibadda loo gudbiyey, Sawirrada la diray, Ciddii dirtay Magacyadoodii oo dhamaystiran.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Hay’adaha Sharcigana u gudbin doonaan haddii ay u baahdaan, “Hadday Hay’adaha Sharciga nala gashana waanu u gudbinaynaa.”