Al-shabaab Oo Toogatay Askari Ay Afduub Kaga Haysay Ciidammada Uganda Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Soomaaliya

0
853

Kooxda Al-shabaab ayaa dishay Askari ka tirsanaa Ciidammada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo ay muddo dheer Gacanta ku hayeen.

Sidaana waxa sheegay Bogagga Internet-ka ee taageera Kooxda A-shabaab, kuwaasi oo soo bandhigay Sawirka iyo muuqaal video ah, kaa soo ah dil ay ku fulisay Askariga u dhashay Dalka Uganda ee muddada dheer u xidhnaa.

Muuqaal kooban ayaa lagu soo bandhigay askarigan oo magaciisa lagu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay saldhig milatari oo ay ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.

Askarigan ayaa waxaa isagoo ku xidhan katiinad waxaa toogasho ku dilaya mid kamid ah Al-shabaab oo dhinaca dambe ka tooganaya.

Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintani ayaa sheegaya in Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah ehelada askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wada-hadal la gasho Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.

Ururka Alshabaab ayaa waxaa gacanteeda ku jira Askari dhowaan ay ka Afduubtay xero ku taal degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose ee Dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, lama sheegin halka ay toogashadan ka dhacday inkastoo ururka Al-shabaab marka uu fulinayo xukunnada dilka ah badanaa ku soo bandhiga meel fagaaro ah oo ka mid ah deegaanada ay maamulaan.