Wasiir Cukuse oo Sharaxay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira saldhiga millatari ee Imaaraadka

0
1169
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI
Wasiir Cukuse "Saaxiibkay Xirsi Marbuu Dadkaba ugu dheeraa, Cali Mareexaan buu ka dheeraa oo Maxamuud Xaashi buu ka Dheeraa Markaan Dabadda"

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumad ahaan ka qaybgalayaan shirar caalami ah oo lagaga hadlayo caafimaadka xoolaha nool.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu sheegay in hay’adaha caalami ah oo ka shaqeeya caafimaadka xoolaha nooli ay xaqiijiyeen inay bad-qabaan xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumaddu caddaymahaasi ku soo bandhigayso laba shir oo ku saabsan xoolaha oo ka kala dhacaya dalalka Uganda iyo Imaaraadka Carabta.
Md. Cabdillaahi Cukuse oo waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka Qaranka ee dawladdu maamusho shalay, waxaannu isagoo arrintaasi ka hadlayey uu yidhi, “Waxa jira hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin UBER iyo OIE waxay la socdaan xogta caafimaadka xoolaha dunida oo dhan, markaa bil bil ayey ula socdeen caafimaadka xoolaheenna, annagu markaa waxaannu waydiisannay inay inoo soo xaqiijiyaan caafimaadka xoolaheenna, waanay xaqiijiyeen oo markhaati-furkiina way noo soo direen oo waxay soo caddeeyeen inay markhaati ka yihiin in xoolaheennu caafimaad qabaan.

Waxa kaloo jira dadaal kale oo aannu ku jirno oo ah shirar in la qabto, kuwaas oo guusha kama dambaysta ahi ka soo bixi doonto, waxa ka mid ah shir aannu iminka tagayno (shalay) oo ka dhacaya Uganda oo hay’ado badan oo FOA, UBER iyo ururro kale oo caalami ah oo fara badani imanayaan, markaa ururradaasi ayaanu doonaynaa inay nagala qaybqaataan xoojinta shir caalami ah oo lagu qaban doono Imaaraadka marka dambe, kaas oo dawladaha aynu xoolaha u dhoofinno oo dhami ka soo qaybgali doonaan in innagoo markhaati-furkeenna wadana aynu shirkaasi tagno.”

Dhinaca kale, Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa uu faahfaahin ka bixiyey faa’iidooyinka ugu jira Somaliland heshiis ay Imaaraadka Carabta kula gasho saldhig Millatari oo ay ka doonayaan dalka Imaaraadka Carabta, “In aynu bixinno saldhig Millatari oo aynu sida dawladda Jabuuti oo maanta intaas oo saldhigyo millatari dawladeed ay ku yaalaan, faa’iido ay ku qabaan mooyee khasaarena kuma qabaan, markaa innagana maxaa inoo diidaya? Abaal baynu ku qabnaa oo waxaynu Ilaahay maalin walba baryeynaa in la ina aqoonsado, in dalkeenna cid uuni timaado oo aqoonsigaasi uu Ilaahay inoogu ilhaamiyo, maxaynu innagu soo kordhinayaan? Way innala degayaan oo dalka ayey maalgashanayaan, way inna deganayaan oo waddooyinka, shaqo la’aanta, dhaqaalaha, wax beerashada, Kalluun la soo bixidda iyo shidaal soo saaridda ayey innagala qayb qaadanayaan, amnigeenna ayey innagala shaqaynayaan. Markaa innagu marka dawladda Imaaraadku timaado Alxamdullilaahi baynu leenahay, dawladaha kale ee adduunka iyagana miyeynaan meel u helayn, maxaa lala buuqayaa dalkeenna marka aynu cid heshiis la galnaba ee loo odhanayaa waxba yeynaa la galin heshiis, iyadoo laga ranayo faa’iidada laga helayo,” ayuu yidhi Cukuse.

Waxa kaloo uu xusay in xukuumadda Somaliland ka sakow waxqabadka ay ka samaysay dalka ay ku guulaysatay in dalal iyo dawlado shisheeye aaminaan maalgashi ay ku sameeyeen sida heshiiska DP World ee casriyeynta dekedda Berbera, shirkadaha baadhaya shidaalka iyo kuwo kale.

“Anigu waxaan la yaabbanahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, doorashadii waxyar baaba ka hadhaye haddii dekedda Berbera oo arrinkeedu Maasha Allaah yahay la galo tartanka miyey ka rajo dhigeen in ay nimcadaa iyagu xukumi doonaan? Mise waxay ka tahay uun yaan xaggan iyo xaggaa midna loo ciirsanin ee dalka iyo dadkuba ha isku bes-beelaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).