“Mar haday 14 jirsatay SONYO oo ay gaamurtay, oo dhallinyaradeedii Maanta Yihiin Rag Bisil oo Wax Garad ah, Waa laga filayey Tanaasulka.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
874
????????????????????????????????????

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xalay casuumad ku maamuusay Hoggaanka iyo Golaha sare ee cusub ee dalladda SONYO.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa casuumadaasi ka jeediyey khudbad uu ku bogaadinayo  qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO iyo midho-dhalka shirkaasi, isaga oo sheegay inuu yahay guul weyn oo qaranka Somaliland u soo hoyatay.

casho sharafeedaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Yaasiin Faratoon, Wasiiru dawlaha beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir,  Maayarka caasimada Cabdiraxmaan SOLTELCO, hoggaanka cusub ee SONYO, iyo qaar ka mida guddoomiyeyaashii hore ee dalladaasi, waxay xalay ka dhacday Hudheelka  summer time ee Hargeysa.

Mudane Maxamuud Xaashi oo casuumadaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Hoggaanka iyo Golaha sare ee dallada SONYO, waan idiinku hambalyeynayaa qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda, waxaan qabaa inaad muujiseen bisayl iyo horumar weyn, waxaan ka mid ahaa dadka aadka ugu werwersanaa shirweynaha SONYO. Xukuumad ahaanba dareenkeeda waanu lahayn maadaama xilli adag oo siyaasadeed lagu jiro oo tartan adagi dalka u soo socdo, oo hoggaankii waddanka u sareeyey lagu tartamayo. Shirweynaha SONYO-na saddex bilood ka horreeyo, welwel baanu qabnay runtii haddii doorashadaasi inaga xummaato inay muuqaal xun muujin doonto, meesha dhallinyaradeedii is qabatay, waxba ku heshiin kari wayday, ama haddii ay kala guulaysatay ay isu tixgalin kari wayday oo ay najiitooyinka u hoggaansami waayeen, waxaanu qabnay inay sawir xun Somaliland ku noqonayso, inay niyad xumo u horseedi karto sawirka uu yeelanayo doorashooyinka Somaliland ku soo socda.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay muhiimada qabashada  Shirweynaha 8aad ee dalladda SONYO ay qaranka Somaliland ugu  fadhido waxaanu yidhi “Waxaan aaminsanahay inaad xil badan naga furateen, waxaan aaminsanahay inaad idinkuna magacii  dalladda SONYO ee dhallinyarada Somaliland ay ku midaysnayd aad badbaadiseen, waxaan aaminsanahay magaceenii, xurmadeenii iyo xushamadeenii qaran ahaan aad dhawrteen. Maaha tanaasulka oo kaliya, laakiin in la tartamo ayaa caafimaadku ku jiraa, laakiin waxa muhiim ah in si hufan oo bisayl leh loo tartamo oo la garwaaqsado natiijada soo baxda. Mar hadday 14 jirsatay SONYO oo ay gaamurtay, oo dhallinyaradeedii maanta yihiin rag bisil oo wax garad ah, waa laga filayey tanaasulka, inay heerkaa gaadhaana wax weyn ayey ahayd, waanu idinku amaanaynaa, arrintaasi wax weyn ayey ahayd.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtyooyada ayaa ka hadlay hoggaanka ku soo baxay doorashadii Shirweynaha 8aad ee dalladaasi waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ah labadii murashax ee tartamayey mid ka mida oo tanaasulay, waliba nabar horrena qabay, waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo, go’aan geesinimo leh ayuu qaatay, raganimadu waa intaa, qofku inuu tanaasuli karro oo han uu leeyahay uu ka hadhi karo, iyo in iyadoo laga adkaaday uu aqbali karo. Qofna guusha uma dhalan haday siyaasad tahay iyo haday xil tahayba. qofka tanaasulo ayuun baa dhito iyo dhaxal hela. Waxa kale oo aan isna hambalyeynayaa guddoomiyaha cusub Cabdicasiis Saciid Saalax, isagana waan ku hambalayenayaa xilka culus, waxaan leeyahay ILAAHAY (SWT) ha kugu garab galo, dardaankii lagu siiyey ee SONYO waa midaysan tahay waan la qabaa, nin dhallinyaro ah ayaad tahay inaad oday u noqoto oo aad isku wado ayaa lagaaga baahan  yahay, Gollaha sare ee lagula soo doortayna hambalyo ayaan leeyahay, guul ayaan idiin rajaynaa dhamaantiin.”