Ibraahim-dhegaweyne Oo Si Adag Uga Digay Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabta, Guddiga Doorashadana Ugu Baaqay Inay Is Casilaan

0
1121

Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), ayaa sheegay inaanay doorasho dalka ka qabsoomi karin, wakhtigan lagu jiro xaalad abaareed oo aad u adag.

 

Mujaahidka oo waraysi uu la yeeshay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu kaloo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay saldhiga milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu doonayso inay ka samaysto magaalada Berbera.

Mujaahid Dhegaweyne oo ugu horayn ka hadlaya doorashada wuxuu yidhi “Doorasho waa wixii aynu ku heshiinay ee sharciga ku qornaa, xaalado abaareed oo culus ayaa taagan oo bilow ah, wakhtiga aynu abaarta ku jirnaa waa January, ilaa March waa abaar, Allena roobka wuu shubi karaa, waxaan leeyahay umaddani maanta ma geli karto doorasho, in doorashada la joojiyo ilaa inta roob la arkayo ayay aniga ila tahay.”

Isagoo ka hadlaya guddiga doorashada wuxuu yidhi “Aniga agtayda wax ka jira maaha nimankaasi, waayo hawshii loo dirtayna kuma filna, anigu waxaan odhan lahaa intay maanta is casilaan ha yidhaahdeen kuma filni, wixii dhibaato ee hortaagana dadka haw sheegaan, laakiin anigu waxaan u arkaa dad aan xor ahayn oo aan ku filnayn oo aan waxba kala saari karin, oon wakhtiga taagan garanayn.

Haddaanay wax qiimayn karayn in wax loo dhiibtaba may ahayn, intaas ayaa inagaga filan barashadooda iyo taladooda, waxaan odhan lahaa way fashilmeen.”

Ibraahim Cabdillaahi Xuseen oo la weydiiyay aragtidiisa saldhiga milatari wuxuu yidhi  “Saldhigaasi waa dhibaato weyn oo inagu timid, qaranka Somaliland waa tay ku dumi lahayd, nimankana lacag bay doonayaan, ma soconayso oo ma keeni karo oo been ayuu isu sheegay ninka yidhi waan keeni karaa.”

Isagoo ugu dambayn la weydiiyay xaaladda dalka wuxuu yidhi “Waxaan arkaa inay halis ku jirto, dalkana way baabiiyeen, waanay baabiiyeen mana jiro, Djibouti ayaan kula socon, oo Itoobiya xaaladaheena aragta oo adduunyada ayaa iska soo taagtay wixii loo dhintaynaa maaha ee waa la isku arkayaa tan,

kuwan xisbiyaduna inay xaaladaas ka hadlaan ayaa loo baahanyahay hadday saldhig tahay iyo doorashaba, mawqif cad ka qaataan.”