Badhasaabka Awdal Oo Ka Hadlay Soo Laabashada Suldaan Wabar

0
1183

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), ayaa ka hadlay dib u soo laabashada Suldaan Wabar, waxaanu sheegay inay xaqiiqo tahay oo uu dib u soo laabtay, balse aanu wax dhib ah wadin, ee uu deegaankiisa soo booqday, dibna uu u noqday.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa ka jira soo laabashada Suldaan Wabar ayaa ugu horeyn yidhi “Haa waa dhab oo Suldaan Wabar, oo wuu soo laabtay, oo si caadiya ayuu u yimid, oo Deegaankiisa ayuu yimid, si caadiyana wuu u laabtay, balse haba yaraate wax dhib ah muu wadin, ee deegaankiisa iyo dadkiisa ayuu u yimid, mana haboona in dadka la khalkhal galiyo, oo been loo sheego”.