Wasiirka Maaliyadda oo u Magac bixisay Abaarta Adag ee Dalka ka Taagan

0
899

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kormeer shaqo oo la xidhiidha xogogaal u noqoshada xalaada abareed ee dalka ka jirta, waxay shalay ku tagtay degmada Magaala-cad ee gobolka Awdal.

Wasiirka oo ay weheliyaan guddida gurmadka abaaraha heer qaran iyo guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa waxa ay kormeer ku soo mareen degaanada gobolka Awdal ee ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay abaarta adag ee ka jirta gobolada bariga Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine ayaa ka warbixiyey tirada dadka ku soo barakacay gobolka Awdal iyo Xaalada ay ku sugan yihiin, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “dadku xaalad adag ayey ku jiraan, waana xilli jilaal ah, gobolka Awdal, waxaa ku sugnaa Siddeed kun oo qof , laba kun hadda ayey ka tageen, waxaana gobolka ku hadhay lix kun oo ka soo barakacay xaalada adag ee ka jirta gobolada bari, waa dad ay duruuf adagi bilow u tahay, maadaama saddexdii bilood ee jilaalka la galay”

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo degmada Magaalo Cad kula hadlaysay dadka ka soo hayaamay abaarata kulul ee ka jirta gobolada bariga ayaa sheegtay in abaartu ay taabatay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanay tidhi “qofka kasta oo wax idiin keenay Illahay ayaan idiinku soo dhiibay , waa la og yahay xaalad. Maanta meel Somaliland u fayow ma jirto , abaartu meel walba way gaadhay, waa idinkaa sheegay sida ay dadkii idinka soo horeeyey idiin soo dhaweeyeen ee wixii ay haysteen aad ula wadaagteen.”
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in abaarta loo bixiyey Walaaleeya, madaama ay bulshada Somaliland isku damqadeen “abaartan waxa loo bixiyey Walaaleeya, wax ay walaalaysay Umaddii reer Somaliland, way isku damqadeen , waa laysku Naxariistay oo waa lays caawiyey , sidaas ayey ku shaqaynayaa oo illahayna inagu Naxariisanayaa.”