Saylici oo Goleyaasha Degaanka Faray Inay ka soo Baxaan Waajibaadkii Loo Dooratay

0
920

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa u soo jeediyay golayaasha deegaannada goballada iyo degmooyinka dalka in si caddaalad ah ugu adeegaan dadweynaha soo doortay.

Madaxweyne ku-xigeenku, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka warbixinayay kulan uu la yeeshay Golaha Degaanka ee magaalada Hargeysa, waxaannu ku booriyay inay ka baxaan siyaasadda iyo qabyaaladda oo ay adeegyada ay bulshada u hayaan ka soo baxaan.

“Waxa muuqata in isbedal wayn uu ku sameeyay Golaha deegaanka Hargeysa, mashruuca maamul daadejinta ee JPLG awoodoodii xaga dhaqaale kobcinta,toban sanno ka hor dakhligeedu intii uu ahaan jiray, maanta wuu shan jeer laabmay. Waxa keenay awooda dawladaha hoose oo la dhisay iyo aqoonta oo kor loo qaaday.markaa xil wayn oo culus ayaa saaran golayaasha deegaanada oo loo doortay in hawsha halkaa ka wadaan weeye,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi,“Waxaan ku dardaarayaa dhammaan golayaasha degaanada dalka, sidii degmooyinka iyo magaalooyinka bilicdooda u hagaajin lahaayeen oo ay ka baxaan siyaasadda iyo qabyaalada iyo isdaba eryadka oo xilkooda ka soo baxaan ayaan kula dardaarmayaa. Waa in maayarrada iyo xoghayeyaasha dawladaha hoose shaqooyinka ay hayaana si siman oo caddaalad ah umadda ugu shaqeeyaan,khayraadka ay gacanta ku hayaana umadda u xaqsooraan haddii ay shaqaale tahay iyo haddii ay tahay qandaraasyo waxa looga baahan yahay in caddaalad ugu xaqsooraan shacabka.”