SHALAY: Badheedhaha Faysal, Baaqa Muuse Iyo Baallo-daymoodka Cirro Ee Abaarta & Doorashada

0
1233

Waxaanu ku heshiinay inaan waxba lagu heshiin, laakiin haddii aanu nahay UCID ka hadhi mayno inaanu dadka isku soo jiidno…”

Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID oo Shalay iskugu yimid kulan ay kaga Arrinsanayeen Muranka ka taagan in Doorashada Xilligeeda lagu qabto iyo in Abaaraha Dartood dib loogu riixo, ayaa markii ay Shirkoodaasi oo ku qabsoomay Huteelka Ambassador uu soo dhamaaday la hadlay Saxaafadda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe, ayaa mid mid uga hadlay Shirkaasi oo aan wax natiijo ahi ka soo bixin.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay mudnaanta kowaad u arkayaan gurmadka abaarta iyo shacabka jilicsan, taas oo ay horeba si xoog ah u wadeen.

“Marka hore waxaannu isku raacsanahay inay dalka ka jiraan abaaro baahsan oo dalka oo dhan caam yeelay oo aad u culus oo aynu Ilaahay ka rajaynayno inuu innaga dulqaado, innagu bani’aadam baynu nahay wax kastoo aynu qabanaa waxba tarimaayo ee Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu ummadda dhibaatadaa ka dulqaado. Labada qodob baanu isla soo qaadnay oo kala ah; abaarta iyo doorashada, mid waanu isku raacsanahay oo xukuumadda, xisbiyada iyo dadweynaha dhammaanteen in aynu u guntanno oo loo midoobo abaarta oo dadkaa loo gargaaro waanu ka midaysanahay, waxaannan filayaa qof kasta oo Somaliland ah oo damiir lihina taas nagala midaysan yahay, taasina waa inoo ballan dhammaanteen, waxaana hormood ka noqonaya xukuumadda,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay inay xukuumaddu door laxaad leh ka qaadatay gurmadka abaarta oo ay weli waddo, isla markaana ay haatan u qorshaysanyihiin tallaabooyin muhiim ah oo dadka tabaalaysan loogu gurmanyo, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu horena dadaal badan bay uga gashay abaarta, haddii ay tahay Ceelal la qodo, kuwa dib loo hagaajiyo, haddii tahay gurmad Raashin, dharka dhaxanta iyo dadaal badan baa la galay, laakiin mar walba baahidaa ka weyn, imikana intaanu ognahay waxa xukuumadda u qorshaysan inay xoogga ugu badan saarto ceelal la qodo oo waxa la qorshaynayey in la iibiyo Booyado badan, waayo biyihii la dhaaminayey waxa ka qaalisan kiradii booyadaha, markaa in xukuumaddu toddobaadkan booyado badan iibiso oo loogu dhammaayo dadka meelaha fogfog jooga, waxa jirta in xukuumaddu qoondaysay miisaaniyad dadka xooluhu ka baxeen ee lagu soo ururinayo meelaha biyaha leh raashinkoodii dhawrka bilood ee soo socda, hawshaasna muxaafid iyo mucaaridba waanu ku daba joogaynaa xukuumadda inay tallaabooyinkaasi sii xoojiso, xisbiyadana waanu ku heshiinay in loo gurmado abaarta.”

Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE caddeeyey mowqifka xisbiga iyo xukuumaddu ka taagan yihiin doorashooyinka soo socda oo labada xisbi mucaarad dalbanayaan in dib loo dhigo oo muddo-kordhin la sameeyo, waxaannu sheegay in arrintaasi ay u daba fadhiisanayaan hay’adda ku shaqada leh ee Komishanka Doorashooyinka.

“Doorashada, Laba ra’yi ayaanu maanta (Shalay)  isku keenay, annaguna haddaanu xisbal-xaakimkii nahay waxaannu istaagnay mowqifka ah waxa inoo haya doorashada waqtiga la goynayo iyo ka hadalkeeda Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyagaa xaaladda qiimayn kara, iyagaana ku dhawaaqi kara oo odhan kara sidaas halla yeello, kaas ayaanu u hoggaansamaynaa haddaanu xisbal-xaakimka iyo xukuumadda nahay, markaa xilkaas aynu u dayno qoladaas, wixii ra’yi ahna iyaga ha lagu kordhiyo.

Qolada kale arrin taas ka duwan bay keeneen, annaguna waanu ku ixtiraamaynaa, waana daw in aynu xisbiyadu mararka qaarkood ra’yiyo kala duwan kala qaataan, waxaanuse dhammaantayo isla ogolnahay in aynu ka talino wixii dalkeena iyo ummaddeena u dan ah oo ay taasi mar walba muhiimada koowaad noqoto oo aynu arrinta isugu keeno wixii dalkeena iyo dadkeenaba wax u taraya,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse Biixi mar la waydiiyey sida uu u arko eedaha mucaaradka ee ah in xisbiga iyo xukuumaddu ka gaabiyeen gurmadka abaarta, waxa uu ku jawaabay, “Annagu waxaannu leenahay wax walba ha laga hormariyo abaarta, horena waanu ugu jirnay gurmadkeeda, qolo aan labadii bilood ee u dambeeyey ka degin diyaarad iyo huteel ayaa nagu cannaananaysa looga gurman abaartii, annagu dadka waanu dhex joognay oo annaga ayaana ugu xogogaalsan, xukuumad iyo xisbiba lambarka kowaad baanu ka nahay gurmadka abaarta.”

Guddoomiyaha/Musharaxa UCID Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna sheegay in Saddexda Xisbi ku heshiiyeen inaan waxba lagu heshiinin, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Labada Guddoomiye (Kulmiye iyo Waddani) way taabteen, waxaanay arrintu maraysaa sidii carabta, Fadhigayga maanta (Shalay) ee Axsaabta, waxaanu ku heshiinay inaan waxba lagu heshiin, laakiin haddii aanu nahay UCID ka hadhi mayno inaanu dadka isku soo jiidno, Komishanku waad ogeydeen oo hore waxa uu u soo saaray jadwal ahaa inay doorashadu dhacdo bisha June ee 2015, cannaan baa ka raacday oo waxa la yidhi shaqo waxaan kuma lihidin oo waatii lagu diiday ee 22ka bilood la kordhiyey, markaa maaha komishanku wax marka loo baahan yahay la soo qaadanayo ama la tuurayo, maanta waxa weeyi arrinta taagani arrin komishan ka talin karo maaha, waa arrin dammiirku xaaladda dalkeenu marayo go’aamiyo, mana aha maalin loo habrado Bulshada Caalamka, waa maalin ilaahay laga baqo iyo dadka aynu doonayno inaynu madax u noqono, Annaga waxay noola muuqataa inay bilaa dammiir tahay In maanta oo dadkeena abaarta taagani ay tahay tu aan hore dalkeena usoo marin oo ah tii 1974kii ee Ilaahay Ruushka inoo soo diray ee uu raray dadka oo in badan oo Xukuumadda ku jirta uu dejiyey Sablaale ee ay ku badbaadeen, maanta Ruush-na ma haysano ee Ilaahay ayeynu haysanaa ee waa inaynu gacmaha is qabsano oo ka baxno Doorashada iyo Kursi doonka oo aynu ka fakarnaa badbaada dadkeen”.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay abaarta sii cuslaanaysa “Xalay waxa la ii sheegayey Reer ka guuray Sanaag oo Bandar bayle degay oo gaadhigu sii siday habeen iyo laba maalmood, dhulkaa ay u guureen may garanayn oo waxay lahaayeen meeshan lana dejiyey magaceed, haddii raxmaadka Ilaahay da’o dadkaasi xilligay dhulkoodii ku soo noqon lama garan karo oo dameerkii iyo awrkii ay ku soo guuri lahaayeen way ka tageen, waxaana laga qaaday lacag dhan $1,600, sidaa awgeed inteenan cabta biyaha Caagadaha haddii aynu nidhaahno waa daad-warrarac, xaalku sidaa maaha, markaa annagu waxaanu leenahay yaan loo habran Bulshada Caalamka, xil iyo masuuliyad ayaa ina saaran ee yaan loo habran Ilaahay baa deeq bixiye ah, Somaliland waxaynu ka soo saarnay meel hoose, haddii kuwa aad ku sheegaysaan deeq-bixiyeyaashu inagu jiraan Somaliland may dhisanteen, markaa waxa weeyi cidna uma baahin ee waxaynu u baahanahay Ilaahay iyo inaga oo gacmaha is qabsana, doorashada Ilaahay baa og ka heli doona”.

Faysal waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo daray Xaddiga Dhaqaale ee Loolanka Siyaasadda loo isticmaallo, isagoo taasi barbar-dhigaya halista ay waajahayaan Dadka reer Somaliland ee Abaartu hayso, waxaanu yidhi, “Khamiista waxaan qabanayaa xaflad ay ka soo qayb galayaan kun qof oo ay ku baxayso afar iyo toban kun oo dollar, islaan walla weyn ah (reer Koonfureed ah) oo kun dollar soo dirtay maalin dhaweyd, oo 13qoys oo reer Ceel-af-weyn ah ayey raashin ugu siinaysay, dhawr iyo tobankaa kun ee dollar wax badan ayey tari lahaayeen, laakiin ficil ayaa keenaya oo markay yidhaahdaan Faysal Xisbigiisii wuu baaba’ay, markaa dadkeena oo gaajoonaya ayeynu waxaa ku bixinaynaa, reer Guuleedkii wuu ka qaxay Ina-Guuxaa oo waxa lagaga guuray dadkii indhaha la’aa, markaa waa inaynu dadkaa u naxnaa, wada tashigu wuu noo soconayaa, shacbigana waxaan leeyahay waxa lagu dul dagaalamayaa waa idinka, codkiina in la maqlo ayaa la doonayaa, markaa Ilaahay Qulluubteena ha isku soo celiso oo ha innaga yeelo kuwii isa saamaxa ee wanaagga ka taliya, markaa walaalayaal waa inaynu dadkeena u naxnaa oo doorashada waqtiga aynu doono ayeynu qabsan karnaa oo goortii Illaahay qorey ayey dhici doontaa, qofkii uu u qoreyna wuu iman doonaa ”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna sheegay oo yidhi, “Maanta (Shalay) halkan ay isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha axsaabtu, waxaanu ka doodaynay labada arrimood ee muhiimka ah ee  ina horyaalla oo ah xaaladda abaarta iyo xaaladda doorashada oo inoo qorsheysnayd in la qabto bisha March 28-keeda. Marka hore kala ra’yi baanu noqonay xisbul-xaakimka, taas macnaheedu maaha waanu kala tagney, macnaheedu waxa weeye maanta kala ra’yi baanu nahay, laakiin berri isku ra’yi waanu noqon karnaa, wada-hadalladayaduna way noo sii socon doonaan.”

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay, “Ta labaad komishanku maalintii dhaweyd ee Sabtidii warbixintii qiimaynta ee xaaladda guud ee dalka, waxay sheegeen in 74% dalka abaari ka jirto. Waxa kale oo ay sheegeen in dadkii kaadhadhka la siin lahaa 868 (siddeed boqol lixdan iyo siddeed) goobood ay intii badnayd oo gaadhaysa 70% ay ka maqan yihiin gaar ahaan gobollada bari. waxaynu ognahay in abaartu sii xumaanayso, xoolihii way wada dhinteen, dhimashada dadka xalay (habeen hore) baynu maqlaynay dad dhintay oo macaluul u dhintay. waxaanu annagu ku qanacsanahay maadaama oo intaas oo goobood dadkii ka maqan yihiin inaanay munaasib ahayn in dadka kaadhadh loo qaybiyo, ra’yigayagu wuxuu ahaa in laga wada tashado doorashadii ma qaban karnaa, kaadhadhkii ma qaybin karnaa, ra’yigaasi wuxuu noogu muuqday in dadku badbaado u baahan yahay oo badbaadada la horeysiiyo, lagana tashado waqtigan waqti aan ahayn oo dhaw doorashada ma la qaban karaa, intuu doono ha noqdo bil ama laba wuxuu doono ha noqdee, laakiin dadku uu kusoo noqon karo, isla markaana roob u da’o, ra’yigaasaanu qabnay, waxaananu lahayn halaga wada tashado, ra’yi aanu anagu leenahay oo go’aan ahi ma jiro, muddo kordhinna ma rabno, laakiin xaaladdaas maaddaama oo dadkiina maqan yahay kaadhadhna lama qaybin karo dad macaluulaya oo midba meel uu jiro maanta aan la garaynayna doorasho looma qaban karo, ra’yigaanu qabnay kaasuu ahaa, go’aanna muu ahayn, laakiin wuxuu ahaa talo qaran asxabtuna haka tashato, qarankuna haka tashado, kala ra’yi baanu ku noqonay, waxaananu isku waafaqsanahay in dadka loo gurmado, waxaananu qabnaa in gurmadku ina wada saaran yahay hadday xukuumad tahay, hadday xisbiyo tahayba, 21-ka bishan oo 11 maalmood ka dib in xaaladda noocaas ah aan kaadhadh lagu qaybin karin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Gobolladii galbeedka ee dadku u qaxay ayay abaartii ka bilaabantay oo ka qaylinaya, markaa iyaddoo xaaladdaa lagu jiro inay talo qaran u baahan tahay  oo aanay maanta u baahnayn inaynu ku dhegno in kaadhadhka la qaybiyo bishan 21-keeda, doorashadana March la qabto.”