Xil. M. M. Dheeg Oo Shir-guddoonka Guurtida Ku Eedeeyey Cabudhin Iyo Hagardaamo Dheeri ah Oo Uu Mudaneyaasha Golaha Ku Hayo

0
847

“Beryahan dambe shir-guddoonkayagu wuxuu nala bartay oo nagu qasbaa inuu nagu gagabiyo in sidii golaha wakiilladu soo garteen lagu ansixiyo, dabadeedna marka uu cod geliyo aqlabiyadda wuu helaa…..”Xildhibaan Dheeg

 

Xildhibaan Maxamud Maxamed Yaasiin Dheeg oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa shir-guddoonka golahaas ku eedeeyey inay iska indho-tiraan xaqii golaha  ee ay kaga doodi lahaayeen, isla-markaana kaga baaraan degi lahaayeen xeerarka muhiimka ah ee gacantooda soo gala

Xildhibaan Dheeg oo warbaahinta la hadlay maalintii shalay, kadib buuq iyo sawaxan ka dhashay xeer arrimaha doorashooyinka ku saabsan oo ay goluhu shalay ansixiyeen, ayaa shir-guddoonka ku eedeeyey inay muddooyinkii dambe caadaysteen inay xeerarka golaha jiidhsiiyaan oo aan la dhegaysan soo jeedimaha mudaneyaasha.

Mudane Dheeg waxa uu shaaca ka qaaday inuu shir-guddoonku ka cabudhiyey xuquuqdii ay xildhibaan ahaan mudaneyaashu u lahaayeen inay xeerarka afkaartooda ka dhiibtaan oo ku axadhaan, “Goluhu sharci buu leeyahay, waana gole shuruucdiisa inuu faalleeyo u madax bannaan, buuquna wuxuu ahaa waxanu diidnay cabudhiska iyo laga doodi maayo iyo wixii nusqaan ah ee lagu arko yaan la sheegine duuduub hallagu ansixiyo sidii golaha wakiilladu isku soo dhaafiyey” ayuu yidhi xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg.

Isaga oo xildhibaan Dheeg hadalkiisa sii wata, ayaa xusay inay muddooyinkii dambe xeerarka ku ansixinayeen sida ay wakiillada kaga soo gudbaan, waxana uu arrintaas ku tilmaamay cabudhin shir-guddoonka ka timi, waxana uu yidhi, “Beryahan dambe shir-guddoonkayagu wuxuu nala bartay oo nagu qasbaa inuu nagu gagabiyo in sidii golaha wakiilladu soo garteen lagu ansixiyo, dabadeedna marka uu cod geliyo aqlabiyadda wuu helaa, laakiin annagu wixii aanu ku aragnay waa naloo diiday inaanu ka saarno.”

Isaga oo xildhibaanku sharraxa caqabadaha u baahan in wax laga beddelo ee uu xeerkaas shalay la ansixiyey ku arkay, ayaa waxa uu yidhi,“Anigu wixii ugu weynayd ee aan arkay waxa ay ahayd in mar haddii qofka codaynayaa degmadii uu qofka ka dooranayey isaguna uu kaadhka ka qaatay aanu dhanna uga bixin, tuuladii uu joogay ee reerkiisu dul yaallo haka codeeyo baan idhi laakiin waa la diiday oo magaaladii uu ka qaatay ha tago baa la yidhi” sidaas ayuu yidhi xildhibaan Dheeg