Wasiirki Hore Ee Arrimha Dibada Somaliye Mr Buuba Oo Ka Hadley Xaalada Dalka Iyo Doorashada

0
884

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haatanna kamid ah saraakiisha saree e xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa xisbul-xaakimka KULMIYE ku eedeeyey inay dabada ka riixayso doorasho dalka ka qabsoonto, xilli abaar darani dalka ka jirto, waxana uu sheegay inay labada xisbi-mucaarid naxariis u hayaan dadka abaartu hayso.

Siyaasi Buubaa oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay tudhaale darteed go’aan ugu gaadheen inaanay haboonayn doorasho wakhtigan la gala, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “arrinta abaartu aad bay u xuntahay, waxana jira dad faro badan oo markii hore abaarta Bariga ku caydhoobay baa jira, xagga Galbeedkana waxa la sheegayaa in xoolo badani qabowga jira awgii le’deen oo dadkii dhinaca Bariga u yaaceen, labada xisbi ee UCID iyo WADDANI dadkooda ayey u tudhayaan, wixii talo ah eek a yimaadda Komishankana miisaan culus bay siinayaan, laakiin arrimuhu sida ay imika yihiin laga wanaagsan baan filayaa in la yidhaahdo doorashadii  bisha saddexaad baa la qabanayaa.”

Waxa uu dadka ugu baaqay inay taageeraan soo jeedimaha dib loogu dhigayo doorashada ee labada xisbi-mucaarid, isaga oo xusay inaanu xisbiga KULMIYE guul ku helaynin doorasho wakhtigan qabsoonta,“Cidda doonaysa ee maanta ku dacwiyeysa in doorashadii la qabto iyada oo waddanka dhibaatada ka jirta aynu ogsoonahay waa cid aan u tudhaynin dadweynaha Somaliland, aniguna labada xisbi ee arrintaas isku raacay aad baan u taageerayaa, dadka reer Somaliland-na waxan kula talinayaa inay arrintaas taageeraan, xisbiga KULMIYE ee moodaya in dadkaas tabaalaysan awgood uu wax ku helayona aanu waxba ku helaynin” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.