Saxeexa Bogcadda Millateri Ee UAE Ka Calmaday Somaliland Oo Xukuumaddu Gudo-gashay Iyo Wasiirka Duulista Oo Safar Dhabbacasho Ah Ugu Duulay Dubai

0
823

Wasiirkii wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa maalintii shalay socdaal dhuumasho ah dalka kaga baxay, waxana uu safar dhabbacasho ah ugu baqoolay dalka Imaaraadka Carabta oo uu kaga sii horreeyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi Md. Baashe Cawil oo haatan ku foogan sidii loo gunaanadi lahaa heshiiska saldhigga Militeri dalkaas lagaga siinayo magaalada Berbera.

Warar xog-ogaal ah oo uu helayo wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in wasiir Farxaan uu dalka kaga baxay safar qorshaysnaa oo loogu gogol xaadhayo sidii loo saxeexi lahaa heshiiska saldhigga Militeri lagu siinayo dalweynaha Imaaraadka Carabta, kaas oo faahfaahin badani kasoo baxayso, isla-markaana uu dabada ka riixayo safiir Baashe Cawil oo dano shakhsiyeed ugu foogan inuu heshiiskani guulaysto.

Safiir Baashe oo isagu toddobaadyo ka hor dalka Imaaraadka Carabta u dhoogay, ayaa qaaday tallaabooyin badan oo heshiiskan lagu gaadhsiinayo heer la kala saxeexdo, waxana sida aanu xogaha ku helnay jiri doona shirar qarsoodi ah oo uu wasiirka Duulistu la geli doono saraakiil ciidamada Imaaraadka katirsan iyo weliba saraakiil sare oo ku ku xeel dheer arrimaha la xidhiidhaha saldhigyada dalalku isa siiyaan, iyada oo safiir Baashe-na fudaydinayo kulamadaas oo dhan.

Xogo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay arrimaha saldhigga Imaaraadka loogaga ballan qaaday dalka Imaaraadka, ayaa sheegaya in cabbirk dhulka uu saldhigga laga qaydi doonaa yahay qiyaastii 70-Km oo ka bilaabmaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, isla-markaana gaadhsiisan dhul ballaadhan oo ay umaddu leedahay, kaas oo lacago raqiis ah lagula heshiiyey in bishii laga qaado dawladda kiraysatay.

Xogaha ayaa intaas ku daraya kirada sanadkii saldhiggaas laga qaadi doonaa tahay $1200,000 (milyan iyo laba boqol) oo Kun halka Saldhigga cabbirkiisu yahay 4-Km oo maraykanku ka deggen yahay dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti uu sanadkii ka bixiyo kiro dhan $75,000,000(shan iyo toddobaatan milyan) oo dollar.

Waxa Xusid mudan xilligii dawladii Soomaaliya in Maraykanku buqcad kooban oo ay ka deggenayeen dekedda Berbera inay ka bixin jireen kiro dhan $50,000,000(Konton Milyan) oo dollar, taas oo dhiib-bax ku ah qaranka, isla-markaana cid gaar ahi ku manaafacaadsanayso khayraadkii dalka.

Dawladda Ethiopia oo iyadu ah dalka kaliya ee saaxiibka dhaw la ah Somaliland, ayaa warwar badan ka qabta saldhigaas, waxana safarradii ay dhawaanahan masuuliyiinta reer Somaliland ku tegayeen magaalada Addis Ababa ay ugu sheegtay inay saldhigaas u aragto mid duulaan ku ah danaheeda, isla-markaana gobolka lagu keenayo quwado carbeed oo aan dan badani ugu jirin geeska Afrika.

Dhawaan ayey ahayd markii uu wasiirka Duulistu xaqiijiyey inuu madaweyne Siilaanyo oggolaaday inay Imaaraadku Saldhig Militeri ka dhistaan magaalada Berbera, balse ay  qasab tahay in labada Gole-baarlamaan oggolaadaan, waxase hoose laga wadaa isku dayo badan oo lagu dedejinayo sidii xukuumaddu qalinka ugu duugi lahayd saldhigaas aan bulshada looga faaffaahin wax manfac iyo maddarro ugu jirta.