Dhadhanka Weedho Ku Lammaanaa Awaamiir Uu Madaxweynuhu Faray Xubnaha Komishanka Iyo Jewiga Madal Uu Habeen Hore Kula Shiray

0
946

Waxa Uu Faray Inay Qabyada Ka Saraan Hawlahooda Shaqo Oo AyJawi Diyaargarow Doorasho Galaan

++++++++++

Waxaa Uu Hay’adda Toddobada Xubnood Ka Kooban U Sheegay in Mas’uuliyadda Madaxweynenimo Ee Saaran Aanay Ugu Jirin Wax Qorshe Ah Oo Dib U Dhigi Kara Qabsoomida Doorashada

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa habeen hore xarunta qasriga madaxtooyada kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay toddobada xubnood ee Komishanka doorashoyinka qaranka, waxana  halkaas ku dhexmaray is xog-waraysi ballaadan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo weliba sida ay dalka doorasho uga qabsoomi lahayd.

Xogo hoose oo uu warageyska Hubaal ka helay kulankaas, ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu si adag ula hadlay xubnaha Komishanka, isla-markaana ku canaantay habka ay usoo dhigeen warbixintii ay kasoo saareen xaaladda abaareed ee dalka oo uu u arko mid loo dhisay hannaan ka duwan midkii ku haboonaa in loo sheego.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Komishanka su’aalay inay iyaga wax qabyo ah oo dhaafsiisan qaybinta Kaadhadhka cod-bixiyayaashu ku jiraan habsami-u-socodka hawlahooda, waxana ay u xaqiijiyeen inaanay jirin qabyo aan intaas ahayn inay caqabadi ka haysato sidii ay u heli lahaayeen dadweyne badan oo hore isu diiwaangeliyey oo haatan xaq u leh inay kaadhadhkoodii helaan.

Farriin adag oo la xidhiidha sidii ay doorashada qaban qaabadeeda u geli lahaayeen, ayuu madaxweynuhu farray xubnaha Komishanka, waxana uu hortooda ka sheegay inay masuuliyadda qabadashada doorashadu isaga saaran tahay, isla-markaana go’aan kasta oo ka baxsan qabyada arrimaha komishanka uu isagu leeyahay oo aanay  xaaladda abaartu ahayn mid u taalla Komishanka doorashooyinka qaranka.

Mudane Siilaanyo, ayaa sida ay noo sheegeen xogo aanu kulankaas ka helnay u caddeeyey xubnaha Komishanka inay madaxweyne ahaan ka  go’an tahay inuu doorashada madaxtinimada waqtigeeda ku qabto, isla-markaana aanu diyaar u ahayn inay muddo-kordhin labaad taariikhda ku qoranto oo si adag u diidan yahay durbaanadda muddo-kordhineed ee axsaabta mucaaridku garaacayaan.

Xoguhu waxa ay intaas  ku darayaan inuu madaweyne Siilaanyo shaaca ka qaaday inuu isha ku hayo dadka ay abaartu hayso, isla-markaana uu isha ku hayo sidii loosii wadi lahaa oo loo xoojin lahaa gargaarka ay xukuumaddu waddo, balse aanay qorshaha ugu jirin inuu doorashada dib ugu dhigo abaarta jirta aawadeed.

Xubnaha Komishanka ayuu madaxweynuhu u sheegay inay dhammaystiraan wixii qabyo ah ee hawlahooda ku jira, isla-markaana ay masuuliyadiisa tahay go’aan ka gaadhidda duruuf kasta oo ka baxsan shaqada Komishanka oo ah mid xubnahaani u madax bannaan yihiin.

Komishanka Doorashooyinka oo iyagu laba maalmood ka hor ka dhawaajiyey warar mugdi geliyey inay doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii ku qabsoonto, ayuu madaxweyuhu u sheegay inaanay arrinta abaartu shaqadooda ku jirin oo ay mid madaxweynaha u taalla tahay, waxana ay halkaas ka baxeen iyaga oo diyaar u ah inay dalka doorasho ka qabtaan 28-ka Bisha March ee sanadkan 2017-ka.