Taliska Booliska Gabiley Oo Xabsiga Dhigay Guddoomiyihii Degmada Kala-baydh Iyo Lix Caaqil.

0
990

Ciidamada Booliska gobolka Gabiley, ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyihii tuulada kala-baydh oo katirsan deegaanka gobolka Gabiley oo ay weheliyaan cuqaal iyo odayaal kaso jeedaa deegaankaas, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka hor yimaadeen biyo la doonayey in la gaadhsiiyo degmada Wajaale ee gobolka Gabiley.

Wararka ka imanaya xadhigga guddoomiyaha iyo odayaasha kale ee weheliya, ayaa sheegaya in shacabka magaalada Kala-baydh si adag uga biyo diideen biyo-ballaadhin laga samaynayo goobta loo yaqaanno Botor oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kala-baydh, taas oo la doonayey in ceelal halkaas ku yaalla biyaha laga qaado, lana gaadhsiiyo magaalada Tog-wajaale oo iyada biyo la’aani ka taagan tahay.

Dadka deegaanka Kala-baydh, ayaa la sheegay inay iska hor imaad kala hortageen biyo-gelintii loo waday degmada Wajaale, waxana halkaas ku dhaawacmay isu-duwanaha wasaaradda Biyaha ee gobolka Gabiley, taas oo keenay inay ciidamada ammaanku arrinta faraha la galaan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kala-baydh, ayaa ku doodaya inay iyagu xaq u leeyihiin in marka hore biyaha magaaladooda la geliyo, halka Wajaale oo 19-km u jirta biyaha loo jiidayo.

Taasi waxa ay keentay in taliska Booliska gobolka Gabiley amar ku bidiyo in xabsiga la dhigo guddoomihii magaalada Kala-baydh iyo weliba qaar kamid ah cuqaasha deegaanka, kuwaas oo lagu eedaynayo inay dabada ka riixayaan rabshadaha halkaas ka dhacay.

Xubnaha la xidhay, ayaa la sheegayaa inay la geeyey xabsi ku yaalla degmada Arabsiyo, isla markaana la soo dhaafiyey magaalada Gabiley oo ay ahayd in lagu xidho, balse waxa loo arkaa inay tahay tallaabo ciqaab looga dhigayo xubnaha loo tirinayo inay rabshadaha horseed u ahaayeen.

Tirada xidhan ayaa lagu sheegay inay yihiin 6-oday dhaqameed oo uu weheliyo guddoomiyihii magaalada Kala-baydh Md. Khadar Aw Xuseen Buux, kuwaas oo ilaa haatan ku xidhan magaalada Arabsiyo.

Ilaa iyo imika taliska gobolka Gabiley wax war ah kama uu soo saarin xadhiga guddoomiyaha iyo weliba xuqaasha kasoo jeedda magaalada Kala-baydh, waxase la filayaa in marka la dhammeeyo muranka ka taagan biyaha loo jiidayo magaalada Wajaale lasii dayn doono uun.