Magaca Caaqil Reer Togdheer Ahaa Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Duleedka Berbera Ka Dhacay

0
951

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in shil baabuur oo khasaare sababay uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay jidka wayn ee isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Gaadhiga shilka galay oo ahaa gawaadhida loo yaqaano SURF oo sida naloo sheegay waddada kala baxday wadihii, ayaa waxa ku geeriyooday Caaqil caan ahaa oo kasoo jeeday gobolka Togdheer, kaas oo kamid ah dadkii gaadhiga saarnaa.

Marxuumka Caaqilka ah ee geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jirey   Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye Gaadaale halka ay laba qof oo kale oo la socday gaadhigana uu dhaawac soo gaadhay.

Maydka marxuunka iyo dhaawaca labada qof ee kale ayaa waxa naloo sheegay in loo qaaday cusbitaalka magaalada Berbera,halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dadkan dhaawacu soo gaadhay.

Waa shilkii labaad ee ka dhaca jidka dheer ee Hargeysa iyo Burco isku xidha ee ay ku dhintaan shakhsiyaad caani ahi muddo 72-saacadood ah, waxana maallinimadii Khamiistii ina dhaaftay waddada shil gaadhi ugu geeriyooday Isu duwihii wasaaradda waxbarashada ee gobolka Sanaag, Marxuum Aniis Saalax Xaaji Xasan.