Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka digay in la buriyo Heshiiska Reer Somaliland ka dhexeeya ee lagu dhisay Dawladnimada iyo Hanaanka Is-maamul ee 26-tan jirsaday.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda Muslimku siiyey ilaalinta Heshiiska iyo Axdiga Ummaddu wada gasho, ayaa wer-wer ka muujiyey inay jiraan Dad doonaya inay burburiyaan heshiiska reer Somaliland u saamaxay inay Dawlad gaar ah dhistaan isla-markaana Nabadgalyo iyo Horumar ku tallaabsadaan, waxaanu Masuuliyiinta Talada Ummadda Hadda haya iyo Dadka kale ee Wax ka go’aan u soo jeediyey in ilaaliyo Heshiiska Ummadda.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaan arkayaa oo soo noqnoqonaya Heshiiskii Ummadeed ee Nabadaa aynu ku fadhino, ee Khamiisyadaa Cadcad iyo Kaarbadkaa Nadiifka ah ee (Masaajidka) ku fadhinno, ee Agoon badan ku shaqo tagto, qaar badan oo aan waxba haynina ay Malaayiin ku heleen, Barwaaqada Caynkaas ah ayaad imika mooddaa inay Dad Faruurayaan.”

Sheekhu wuxuu ka warrramay halka Islaamku ka taagan yahay ilaalinta Heshiiska la wada galo, “Al-imaamu Jawhari mar uu ka hadlayey heshiisyada Dadka Muslimiinta ahi ku jiraan in la burburiyo, wuxuu yidhi ‘Burinta heshiisku waa iyadoo la dumiyey Dhisme la dhisay ama aad xumayso wixii la soo dhisay.’ Culimadu waxa kale oo ay yidhaahdeen Xagga Sharciga burinta Heshiisku waa in Qofku fulin waayo wuxuu sheegay. Waa Arrimaha aynu Maanta arkayno, Nimankaa Maanta Masuuliyiinta ah ee Maalin walba Magaca ILAAHAY lagu dhaarinayo inay ilaaliyaan Dadka, Diinta iyo Dalka iyo wixii Ummaddani ku heshiisay. Maxaa u dhexeeya inaad Ballanka buriso iyo inaad khiyaamays.? Culimadu waxay yidhaahdeen khiyaamada hoos baad wax u wadaysaa, laakiin Burinta marna si hoose ayaad u burinaysaa, marna waad caddeysanaysaa iyadoo Dadkii oo dhami soo wada taagan yihiin. ILAAHAY wuxuu yidhi fuliya ballanka aad gashaan, ballanka aad gashaan wuxuu ahaaday mid la is-waydiinayo (Aakhiro). Rasuulkuna (CSW) wuxuu yidhi haddaad doonayso inaad ogaato Munaafaqu wuxuu yahay ka eeg Saddex, hadduu Ballan-qaado ma fuliyo, haddii wax lagu aaminana wuu khiyaameeyaa, hadduu doodo waxaan meesha jirin buu keenayaa, halkuu ku ekaan lahaa xaqiiqada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Afartan Sannadood baanu qaylinayey, waxaad u soo taagnayd ee aad heshiiskeeda fadhiday, ayaa mid Shalay yimid uu doonayaa inuu Adiga kuu fasiro uu been cad kaa iibiyo. Wuxuu doonayaa inuu Tafsiir aan jirin oo aanay Ummaddu ogeyn oo aan ahayn wixii lagu heshiiyey inuu Dadka ka iibiyo, waana waxyaabaha Ummaddu ku dunto, ee laga yeeli waayay Raggii Jannada loogu baaqay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaaday dhibaatada Musuqmaasuqu ku hayo Dalka iyo Dadka iyo sida Dadka Magaca lihi aanay uga dhiidhiyeynin, “Kuwa Maanta Waddamada Muslimiinta Hoggaamiyaa Raganimada iyo Farriidnimadu waxay ku jirtaa inaad is-muujiso oo ay gurigaaga ka muuqato (Xilkaas haysaa), iska daa’ Aakhiro, iska daa’ Dadnimo, iska daa’. Laakiin waxa ka sii dhib badan Culimada, Aqoonyahanka, Salaadiinta iyo Tujaarta arkaya Dadkaa soo wada ootay ee haddana sacabka u garaacaya Dadka waxaa samaysanaya (ee Musuqmaasuqa ku kacaya). Halka Ninka Israel xukuma (Raysal-wasaaraha) ee Gaalka ah ee ILAAHAY nacay markii Saddexaad Maxkamad lagu taagayo Hadyadda intaa leeg ee Qofka Caadiga ahi kuu keenay siday kugu soo gashay. Innagu Kitaabkii iyo Caqligiiba halkaasaynu dhignay, oo Waddamada Muslimiinta oo dhan baa Caynkaas ah.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka hadlay Amaanada iyo Islaamka, “Xadiiska uu Weriyey Al-imaamu Axmed, wuxuu odhanayaa ‘iimaan malaha Nin aan Amaano lahayni.’ Amaanaduna waa laba, mid waa mid idinka dhexeysa hal Qof oo Qimaayaha uu Qofkaasi oo kaliya imanayo, midna waa Amaano ka dhexeysa Ummadda oo dhan, ilmaha dhashay, ka dhalan doona….ilaa qiyaamaha amaanada ay leeyihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Heshiiska Shacabka Somaliland ee lagu dhisay Dawladnimada hadda jirta, “Waxa Maanta loo heesayaa wixii yaraa ee aynu Nabadda ku ahayn. Waar ilaaliya waxaa yar ee aad ku caano maasheen ee idinka dhexeeya. 97% ayaa u codeeyay Dastuurka Ummaddan lagu dhaqo, Madaxweynuhu ma beddeli karo, Saddex Gole ma beddeli karaan, Xisbi ma beddeli karo, Gobolka Maroodi-jeex ma beddeli karo. Ummaddu waxay ku heshiisay haddii Qofba maalinta uu doono uu Siduu doono u fasiro ama uu Shaadh uu isagu leeyahay ka dhigto oo wax Dadka ka dhexeeya ay noqon waydo, waa marka Ummaddaasi burburayso.”

 

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Waxaanu nahay Dadkii Somaliland taageeray, Dad badan ay ku murmeen Gudo iyo dibadba, culays badani ka fuulay, ee u badheedhay, Laakiin Somaliland-ta aanu taageernay waatee, tii aanu Godobta ku galnay waa tee.? Ma ta Qabiil leeyahaybaa, ma ta Xisbi leeyahay-baa, ma ta Kooxi leedahay baa ?, ma ta marka Maslaxaddoodu waydaarato si kale loo dhigaa ?. waa Somaliland la wada leeyahay, Shareecadu ka taliso, Dadkuna ay Talada iyo Hantida ay leeyihiin ay u siman yihiin, oo Caddaalad ku dhisan weeye Somaliland-ta aanu taageeranahay. Tii intaa waydaarsani waxay ku kooban tahay Ninkii wada, markaa waxaanu leenahay waar ka daaya jeex-jeexa Heshiiskii Ummaddu ku caano maashay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xisbiyada oo kale Xisbi-na ma taageersani, Xisbina kuwa hor-fadhiya ma ogoli oo maaha kuwii Ummadda dhaqi lahaa. Annagu ma nihin kuwa ku qanacsan kuwaa meesha hor-fadhiya oo dhan, ee Dantaa innagu qasabtay, laakiin maxaanu u taageersanahay, dee Ummaddaa ku heshiisay oo tidhi meesha ha lagu tartamo. Culimadu waxay yidhaahdeen dhibaatadu markay timaaddo, labada dhibaato tee baa fudud, labada Shar kee baa fudud ku dhaqma. Markaa Ninkii Been badani meesha ha iska haystee yaynaan is-dilin weeye Xisbiyada maanta jiraa.”